Falanqeyn: ka qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya

Falanqeyn: ka qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya

New York (Raxanreeb) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ka qaaday cunaqabateyntii hubka taasoo saarneed 31 sano oo xiriir ah.

Ka qaadista cunaqabateynta ayaa ahmiyad weeyn u leh Dowladda Federaalka, taas oo dagaal xooggan kula jirta kooxda Al-Shabaab 17 sano ku dhowaad dalka jooga, iyo xasilinta amniga dalka.

Qaramada Midoobay, goa’aankeeda ayaa ka mid ah, faa’iidooyinka Soomaaliya uu u leeyahay ka qaadista cunaqabateynta.

1- ladagaallanka ururada argagaxisada ee ku xiran Al-Qaacida, iyo Amniga dalka.

2- Difaaca Qaranka iyo dowlad dhiska

Dowladda Soomaaya, ayaa tani u ah, fursad ay ku dhisi karto Ciidamada Qalabka Sida, ayna aad ugu hubeeyn karto iyadoo inkabadan 30 sano uusan jirin ciidan adag iyo saanad dhameeystiran intaba.

3- Nabad ilaalinta iyo xaisilinta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay diiradda saartay, hormuudna ka ahayd dedaallo badan oo nabad ilaalin iyo xasilineed oo ay wadajir uga shaqeynayeen Midowga Afrika, iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah.

Helitaanka hubka iyo qalabka ayaa muhiim u ah, Dowladda Federaalka Soomaaliya, si ay si hufan u gudato waajibaadkeeda sugidda amniga, isla markaana ay Ciidamada ATMIS ugala wareegto amniga guud ahaan dalka Soomaaliya.

4- Dhisidda Dowladnimada

Xoojinta awoodda Dowladda iyo sugidda amniga dalka kaas oo aan lugo badan ku taagmeeyn sidoo kale bixinta adeegyada Bulshada Horumarinta ilaha dhaqaale, kaabayaasha dalka.

5- Dhaqangelinta sharciyada iyo xakameeynta xuduudaha dalka

Dowladda Soomaaliya, ayaa waxay u baahan tahay dhisidda hay’adaheeda sharci dejinta iyo ilaalinta xuduudaha badda taasoo burcad badeed ay ku af duubtaan maraakiibta kale ee shisheeye, sidoo kale khataraha ka imaan kara kooxaha argagaxisada, in hub sharci darro ah, u imaado.

6- Ilaalinta xeebaha dalkaXeebaha dalka

aminigooda ayaan sal weeyn ku taagneyn iyadoo dhowaan ay burcad badees Soomaali ah, ay afduubteen dooni laga leeyahay Iran, iyo Markab Isra’il ay leedahay sida Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ay sheegtay.

Sidoo kale Ra’iisulwasaare Abiy Axmed, ayaa dhowaan kasoo yeeray in Itoobiya, ay waajib tahay in ay Bad yeelato xoog iyo xiilba si kastaba haku heshee, Soomaaliya ka qaadista cunaqabateyntan u noqoneysa mid looga cabsado baddeeda hadda ay Itoobiya damceeyso.

Golaha ayaa cunaqabateynta saaray Soomaaliya 1992-kii, si loo gooyo qulqulka hubkii ay halayeen dagaal-oogayaashii xuklunka isku hayay, ee xukunka ka tuuray keligii taliye Maxamed Siyaad Barre, kadibna dagaalka sokeeyey geliyey dalka.

Mid ka mid ah qaraarada ayaa ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan, halka kan kale uu yahay in dib loo soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Qaraarka ayaa sidoo kale walaac ka muujinaya tirada xarumaha lagu keydiyo rasaasta ee Soomaaliya, waxa uuna dhiirigelinayaa dhismaha, dib u habeynta iyo isticmaalka bakhaarrada badbaadada hubka ee Soomaaliya oo dhan. Waxa uu ku boorinayaa dalalka kale inay gacan ka gaystaana arrintan.

Al-Shabaab, ayaa tan iyo sannadkii 2006 waxa ay waday dagaal ka dhan ah Dowladda Soomaaliya, si ay isugu daydo in ay sameysato xukun ku saleysan tarjuumada adag ee Shareecada Islaamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer dalbaneysay in laga qaado cunaqabataynta hubka si ay u xoojiso ciidamadeeda oo ay ula dagaalamaan kooxaha hubeysan.