Soomaaliya oo loo ogolaaday daabacada Baasaboorka bariga Afrika ee EAC

Muqdisho (Raxanreeb Online) Dawladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya loo oggolaaday daabacaada baasaboorka ay wadaagaan dalalka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ee EAC, iyadoo warbaahinta dawladda ay maanta baahisay in wakiilka Soomaaliya ee ururka EAC.

Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa ku wareejiyay wasaaradda amniga gudaha iyo hay’adda socdaalka iyo jinsiyada Soomaaliya go’aanka rasmi ah ee Soomaaliya u oggolaanaya inay daabacdo baasaboorka EAC.

Sida ay horey u sameeyeen dalalka EAC, waxay Soomaaliya beddelaysa baasaboorka ay hadda adeegsadaan muwaadiniinta oo yeelanaya midab buluug ah , kaasoo dusha sare looga qoro East African Community, tusaale ahaan sida ka muuqata baasaboorka Uganda, balse ma cadda in si xaddidan iyo shuruudo lagu bixin doono ama sida dalalka kale dhammaan muwaadiniinta la siin doono si ay ugu fududaato isku socodka xorta ah ee dalalka EAC.

Leave a Reply

Your email address will not be published.