Ugu yaraan 15 qof oo lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen guryo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla Qaza.

Ugu yaraan 15 qof oo lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen guryo ay ku sugnaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla Qaza.

Gaza (Raxanreeb onlien) – Ugu yaraan 15 falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay tobanaan kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Israa’iil la beegsatay guryo iyo iskuul ay gabaad ka dhiganayeen dad rayid ah oo ku nool Marinka Qaza Isniintii, sida laga soo xigtay ilo caafimaad.

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Israel ayaa duqeysay guri ku yaalla galbeedka magaalada Gaza, waxaana ku dhintay shan qof oo ay ku jiraan labo caruur ah iyo haweeney, iyadoo 15 kale ay ku dhaawacmeen, sida ilo caafimaad ay u sheegeen Anadolu.

Labo qof oo kale ayaa lagu dilay weerar kale oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones oo ka dhacay Koonfur-bari ee Deir al-Balah ee bartamaha Marinka Gaza, sida ay sheegeen ilo caafimaad oo kale.

Ilahan ayaa sheegay in laba haween ah ay sidoo kale naftooda ku waayeen markii diyaarad aan duuliye lahayn oo Israa’iil leedahay ay bam ku tuurtay iskuul ay gabaad ka dhiganayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla deegaanka Al-Mufti, oo waqooyiga ka xiga xerada qaxootiga ee Nuseyrat ee bartamaha Gaza.

Dhakhaatiirta Falastiiniyiinta ayaa soo saaray meydadka lix qof oo ay ku jiraan labo dumar ah, kuwaas oo lagu dilay weerarrada Israel ee magaalooyinka Khan Younis iyo Rafah ee koonfurta, isla isha ayaa sidaas sheegtay.
Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ku qaadeen dhismo ay deggan yihiin oo ku yaalla Khan Younis, sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gawaari ay leeyihiin ciidamada Israa’iil ay si qoto dheer u galeen dhanka koonfureed ee xaafadda Zaytuun ee magaalada Qaza iyadoo duqeymo xooggan ay dhacayeen.

Israa’iil ayaa sii waday weerarka naxariis darada ah ee ay ku hayso marinka Qaza kadib weerar ay kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ku qaadeen 7-dii Oct.

Weerarku waxa uu sababay dhimashada in ka badan 40,400 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur, iyo in ka badan 93,000 oo dhaawacyo ah, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka maxalliga ah.

Go’doominta joogtada ah ee Gaza ayaa keentay cunto yari daran, biyo nadiif ah iyo dawo yari, taasoo keentay in inta badan gobolka uu burburo.

Israa’iil ayaa wajahaysa eedeymo xasuuq ah oo ka socda maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda, taasoo amartay in la joojiyo howlgallada militari ee ka socda koonfurta magaalada Rafah, halkaas oo in ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah ay magangalyo weydiisteen ka hor inta aan aagga la weerarin 6-dii May.

Leave a Reply

Your email address will not be published.