War-murtiyeed laga soo saaray wahadalladii Sacuudiga iyo Soomaaliya

War-murtiyeed laga soo saaray wahadalladii Sacuudiga iyo Soomaaliya

Riyad (Raxanreeb) — War-murityeed ay si wadajir ah u soo saareen maanta oo Axad ah Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud iyo dhaxal sugaha boroqtooyada sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis Aala Sacuud ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, dhinacyada dhaqaalaha, amniga, hurumarka labada dhinac, iyo heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhowaan dhex maray dowladda Ethiopia iyo Somaliland.

Labada masuul oo ku kulmay qasriga Safa ee magaalada barakaysan ee Makka ayaa yeeshay kulan wada-tashi ah oo rasmi ah, kaasoo ay dib u eegis ugu sameeynayeen xiriirka labada dal, qaababka loo horumarin karo, iyadoo ay labada dhinac is dhaafsadeen aragtiyo la xiriira xaaladda guud ee gobolka iyo tan caalamiga ah ee xilligan.

Intii uu socday kulanka ayaa labada dhinaca waxay ku nuux nuuxsadeen arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, ganacsiga, iyo maalgashiga, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay sii wadida shaqada wadajirka ah ee ka dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah si loo horumariyo oo loo balaariyao iswaydaarsiga ganacsiga, iyo xoojinta booqashooyinka u dhexeeya masuuliyiinta iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, kaasoo loo aanaynayo kobaca ganacsiga ee 2022-kii ilaa (105%) marka la barbar dhigo 2021-kii, iyagoo tilmaamaya fursadaha ay keentay aragtida Kingdom Vision 2030 si loo kobciyo iskaashiga dhinacyada kala duwan.

Dhinacyada ayaa sidoo kale sheegay in ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka maalgashi ee dhinacyada kala duwan sida Beeraha, Xoolaha, Kaluunka, Gaadiidka, Adeegga Saadka iyo Dekedaha. Labada dhinac ayaa soo dhaweeyay go’aanadii ka soo baxay shirkii sacuudiga iyo Soomaaliya ee shirkii Sacuudiga iyo Afrika oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca tamarta, ayaa war-murtiyeedka lagu xusay in labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay xasilloonida suuqyada tamarta adduunka, waxayna Soomaaliya soo dhaweysay doorka boqortooyada ee kaalmaynta isu-dheelitirka suuqyada shidaalka adduunka, u adeegidda danaha dalalka wax-soo-saara iyo kuwa iibsada, iyo sidii loo gaari lahaa koboc dhaqaale oo waara.

Dhanka isbedelka cimilada, ayey labada dhinacba carabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la dhowro mabaadi’da Axdiga Guud ee Isbeddelka Cimilada, Heshiiskii Paris, iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay horumarinta iyo hirgelinta heshiisyada cimilada iyadoo diiradda la saarayo qiiqa.

Labada dhinacba ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay horumarinta iskaashiga dhinacyada ay ka midka yihiin: (1) Korontada, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo waxtarka tamarta. (2) Bixinta waxyaabaha ka soo baxa batroolka, kiimikooyinka batroolka iyo nafaqooyinka beeraha, iyo sahaminta fursadaha adeegsiga cusub ee agabka hydrocarbon. (3) Beeraha iyo haqab-beelka cuntada, iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay ee soo galaya labada dal ee maalgashiga iyo iskaashiga ganacsi ee dhinacyada warshadaha iyo beeraha. (4) Isgaarsiinta, tignoolajiyada, dhaqaalaha dhijitaalka ah, iyo hal-abuurka. Gaadiidka cirka, dekedaha, adeegyada saadka iyo duulista rayidka.

Dhanka difaaca iyo amniga, ayayy labada dhinac isla garteen in dib u eegis lagu sameeyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka ciidamada iyo amniga, iyadoo laga wada qeyb qaadanayo ka mira dhalinta danaha wadaagga ah ee labada dal, waxayna ku nuuxnuuxsadeen inay sii xoojinayaan iskaashiga dhanka amniga ee jira oo ay ka mid yihiin la dagaalanka dambiyada, iyo qaadashada dhammaan tallaabooyinka ka qaybqaata ka hortagga dembiyada tahriibka, la dagaalanka iyo maalgelinta dembiyada argagixisada. In ay wadaagaan macluumaadka arrintan la xiriirta si looga takhaluso khatarta argagixisada iyo xagjirnimada, la dagaallanka xanta iyo hadalada nacaybka, iyo in la faafiyo dhaqanka dhexdhexaadnimada iyo dulqaadka. Waxayna ku nuuxnuuxsadeen sida ay uga go’an tahay inay xoojiyaan isku-dubbaridka iyo iskaashiga u dhexeeya si loola dagaallamo dambiyada musuqmaasuqa, iyagoo ka faa’iidaysanaya Shabakadda Hawl-galka Caalamiga ah ee Maamulka Dhaqangelinta La-dagaalanka Musuqmaasuqa ee loo soo gaabiyo (GlobE Network), in la wadaago khibradaha iyo tababarada ka qayb qaadanaya xaqiijinta amniga iyo xasiloonida labada dal ee walaalaha ah.

Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland, ayay Boqortooyadu waxay mar kale xaqiijisay in ay si weyn u ilaalinayso midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee walaalaha ah iyo madax-banaanideeda dhammaan dhulkeeda oo dhan. Labada dhinacba waxay cadeeyeen inay ku dheggan yihiin go’aankii dawladda Maraykanka ee ku taariikhaysan 17/1/2024, kaas oo ku nuuxnuuxsaday taageerada amniga, xasiloonida, midnimada, madax-banaanida Soomaaliya iyo bad-qabka dhulalkeeda. Labada dhinac ayaa ku nuux-nuux saday in loo baahan yahay in loo hogaansamo mabaadiida deris wanaagga, lagana gudbo caqliga, lagana fogaado dhibaatooyinka ka dhalan kara xiisadaha iyo colaadaha gobolka, lagana shaqeeyo wax walba oo ilaalin kara amniga iyo xasiloonida deegaanka, taasoo ka qeyb qaadaneysa horumarinta iskaashiga iyo is dhexgalka dalalka gobolka.

Ugu dambeyntii, labada dhinac ayaa ka hadlay xaladda ay ku sugan yihin dadka reer Falastiin oo ayYemen, iyo Suudaan, waxayna mujiyeen sida weyn ee ay uga walaacsan yihiin musiibada bini’aadantinimo ee Marinka Gaza, waxaana ay tilmaamen in qaybtaasi ay la kulantay dagaal bahalnimo oo ay ku dhinteen tobanaan kun oo rayid ah oo go’doonsan, taasoo ka dhalatay weerarada joogtada ah ee Israel, waxayna carrabka ku adkeeyeen baahida loo qabo in la joojiyo howlgallada militari ee dhulka falastiiniyiinta, ilaalinta iyo awood siinta dadka rayidka ah iyo Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya bini’aadantinimada si ay gutaan waajibaadkooda ku aadan bixinta gargaarka bini’aadantinimo,iyaga oo carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay doorka ay beesha caalamku ka qaadanayso joojinta xadgudubyada Israel.

Xiisadaha ka taagan labada dal ee Yemen iyo Suudan ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday kulanka dhex maray Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxauud iyo dhaxal sugaha boroqtooyada sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis Aala Sacuud.

VOA