Xamsa Barre oo safarkiisii ugu horreeyay ugu baxay Kenya

Xamsa Barre oo safarkiisii ugu horreeyay ugu baxay Kenya

Nairobi (Raxanreeb) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo hoggaaminayo wafdi ballaaran ayaa safarkiisii ugu horreeyay ugu ambabaxay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya bishii June ee sannadkii 2022-kii.

Ra’isulwasaare Xamsa ayaa casuumaad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya William Ruto, oo uu wadahadallo kula yeelan doono Nairobi.

Ujeedka booqashadan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi Barre.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hoggaaminaaya wafdi ballaaran, ayaa saaka u ambabaxay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaas oo uu ku tagaayo booqasho rasmi ah oo la xiriirta xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada Dal” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiskiisa.

Wararka qaar ayaa sbeegaya in safarka ra’iisul wasaaraha uu ku saabsan yahay dib u eegis lagu sameynayo iskaashiga labada waddan oo ay ka mid yihiin amniga iyo difaaca wadajirka ah, sidoo kalena arrimaha Khaatka, Soomaaliya loo soo iib keeno.

Dhanka kale waxaa sidoo kale qiimeyn lagu saameyn doonaa Arrimaha Duulimaadyada, Ganacsiga, Maalgashiga, kobcinta tayada adeegga Bulshada iyo Tacliinta sare ee labada dal.

Safarkan, ayaa kusoo aadaya xilli Kenya ay rabto heshiis cusub oo ku saabsan Khaatka in ay la gasho Dowladda Federaalka Soomaaliya, si kor loogu qaado Ganacsiga labada dal.

Horey Xasan Sheekh, ayaa safarro kala duwan ugu tagay dalka Kenya isagoona heshiisyo badan lasoo galay Willium Ruto.