Xizbullah oo 230 gantaal ku garaacday Isra’iil iyo wararkii ugu dambeeyay

Tehran (Raxanreeb online) – Ururka Xisbullah ayaa maanta 230 gantaal ku weerarray gudaha Israa’iil, iyadoo la arkay burbur gaaray dhismayaal ku yaalla Haifa iyo gobolka waqooyi ee dhulka Israa’iil heysato.

Sidoo kale, Israel kama hadlin khasaaraha ka dhashay weeraradan ay soo qaaday Xisbulah oo saameyn adag ku yeeshay magaalooyinka Yuhuudu ku nool yihiin.

Dhinaca kale, Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa saacadihii hore maanta weerar ay u adeegsadeen gantaal ballistic-ga ah ka geystay gudaha dhulka ay Israa’iil heysato oo ay ku jirto magaalada Beit Shemesh oo 30 km u jirta magaalada Qudus, iyadoo la arkayay dab ka shidmay goob la sheegay in qeyb ka mid ah gantaalka uu ku dhacay.

Safiirkii hore ee Israa’iil u fadhiyay Mareykanka, Michael Oren ayaa kula taliyay Netanyahu inuu wax ka beddelo hab dhaqankiisa, marka uu Aqalka Cad tago Trump, sababtoo ah wuxuu sheegay inuusan Trump jacleyn dagaalka, maaddaama uu aaminsan yahay inay lacag badan ku baxayso.

“Marka Donald Trump yimaado aqalka cad bisha Janaayo, waxa uu sheegay inuu haysto hal bil uu dagaalka ku joojiyo…Netanyahu waa in uu taas aqbalaa.” ayuu yiri Michael Oren oo intaas ku daray in Israel ay dooneyso dagaal iska daba dheeraada balse aysan taas shaqeyn doonin.

warar kale ayaa sheegaya in Israa’iil ay ka walaacsan tahay inuu Ruushka hubeeyo Xisbullah, isagoo soo marinaya Suuriya.

Waxaa jira hadda inuu isbeddel ku yimid booska xiisadda bariga dhexe ee Ruushka, xilli uu maanta sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil, Gideon Saar inay jirto rajo ay ka qabaan hab diblomaasiyadeed in lagu soo afjaro dagaalka Lubnaan, isagoo markaa sheegay dadaallada Mareykanka inay ku dhow yihiin natiijo laga gaaro heshiis lagu joojinayo dagaalka dhinaca Lubnaan, taasoo jirta waxaa kalo ay Israa’iil ka codsatay Ruushka inuu dadaallada qeyb ka noqdo si dagaalka loo joojiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.