Baydhabo (Raxanreeb) — Ugu yaraan saddex xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ee NISA , kuwaas oo iska soo dhiibay magaalada Baydhabo, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu.
“Xubnahaan ayaa sheegay inay ku dhuumaaleysa jireen Gobollada Baay, Bakool, Shabeellada Hoose iyo Hiiraan, markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen dhibaatooyinka Khaawarijta ku wajaheysta duurka, waxayna saaxiibadood ugu baaqeen inay dowladda isku soo dhiibaan.” ayay qortay warbaahinta dowladdu.
Magacyada xubnahan ayaa lagu sheegay Ibraahim Xuseen Maxamed, Nuur Maxamed Abuukar iyo Yare Cali Xuseen.
Xubnahan oo loo soo bandhigay warbaahinta ayaa sheegay inay ka howlgali jireen gobollada Baay, Bakool, Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan, isla markaana ay ka qayb qaateen dagaallo kala duwan oo ka dhacay gobolladaasi.
Sidoo kale wareysiyo laga qaaday ayaa waxa ay ku sheegeen inay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka Shabaab ku haysta duurka, waxayna saaxiibadooda ugu baaqeen inay isku soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.
Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi.
Xarunta qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka Fikradaha xagjirka ah ee Tubsan sannadkii hore bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dhammaan dadka ka tirsan kooxaha xagjiriinta ah ay u furan tahay inay ka faa’iidaystaan Xeerka Cafiska Dadka isku soo dhiibaya Dowlada.
Dawladda Soomaaliya ayaa dhawr jeer oo hore cusboonaysiisay baaqa ay u jeedinayso xubnaha ka tirsan ururka al-Shabaab inay ka faa’iidaystaan cafiskii horey loogu sameeyey.
Si kastaba hasa yeeshee, xubnahan kasoo goosanaya maleeshiyada Al-Shabaab ayaa haatan soo badanaya, waxaana loo aaneynayaa gulufka dagaal ee ka dhanka ah, maleeshiyada ay ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa dadka deegaanka, kuwaas oo loo garan ogyahay Macawiisley.