Gasa ( Raxanreeb Online) Milatariga Yahuuda ayaa bilaabay weerar dhulka ah Isniintii si ay u qabsadaan Magaalada Qasa, sida ay warisay Axios oo soo xigatay saraakiil Israa’iili ah.
Milatariga Israa’iil wax jawaab ah kama bixin codsi loo diray oo ku saabsan in ay faallo ka bixiyaan arrintan la soo wariyay, taasoo ku soo beegantay toddobaadyo weerarro culus ah oo Israa’iil ku haysay magaalada.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bishii hore amar ku siiyay ciidamada inay qabsadaan Magaalada Qasa, taas oo uu ku tilmaamay xarun weyn oo ay ka taliyaan kooxda Xamaas ee weerarka lama filaanka ah ku qaaday Israa’iil bishii Oktoobar 2023-kii.
Tan iyo markaas, ciidamada Israa’iil waxay go’doomiyeen Marinka Qasa, taasoo sababtay masiibo bani’aadamnimo oo ay ka mid yihiin burbur baahsan, barakac ballaaran, iyo biyo iyo cunto yari daran.
Ciidamada Israa’iil ayaa toddobaadyadii u dambeeyay howlgallo ka waday duleedka Magaalada Qasa, iyagoo ku sii siqaya bartamaha magaalada, halkaas oo in ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah ay bishii hore u qaxeen si ay uga nabad galaan dagaalka.
“Qasa waa gubaneysaa,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz farriin uu ku qoray bartiisa X.
“IDF (ciidamada Israa’iil) waxay si adag u garaacayaan kaabeyaasha argagixisada, askarta IDF-na si geesinimo leh ayay ula dagaallamayaan si loo abuuro xaalado lagu sii daayo la haystayaasha lana ciribtiro Xamaas.” Ayuu hadalkiisa ku daray.

Leave a Reply