Kismaayo (Raxanreeb online) – Ciidamada Nabad Suggida Jubbaland ayaa Hubka lidka Diyaaradaha ku garaacay Diyaarad siday Shixnad Milateri oo u socotay Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugneyd Raaskambooni ee Gobolka Jubbada Hoose. Sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbaland Jimcihii, Diyaaradda oo ka duushay Garoonka Aadan Cadde...
Month: December 2024
Jubaland Forces Fire on Plane Amid Growing Tensions with Somali Government
Kismayo, Somalia – Tensions between the semi-autonomous Jubaland state and the Somali federal government escalated on Friday when Jubaland forces reportedly fired on a cargo plane suspected of transporting weapons to Raskamboni, a key town in the Lower Juba region. The Somali federal government had recently arranged for local airlines to support the deployment of...
In ka badan 30 qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe.
Cadalle (Raxanreeb 0nline) – Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa dagaal beeleed khasaare geystay oo Jimcihii uu ka dhacay deegaano hoostaga xeebta degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed waxaana uu si gaar ah uga dhacay tuulooyin ku dhow deegaanka Laba Garas ee...
Maamulka Koonfur Galbeed oo ku guuleystay dhex dhexaadinta beelo ku dagaalamay Qoryooley.
Qoryooley (Raxanreeb online) – Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in uu ku guuleystay dhex dhexaadinta dagaal beeleedyo ka dhacay magaalada Qoryooley, taasi oo muujineysa tillaabo wax ku ool ah oo loo qaaday nabadeynta iyo xasiloonida gobolka taariikhiga ah ee qalalaasaha ka jira. Hogaamiyayaasha ayaa sheegay in hindisahani uu ka tarjumayo sida...
Shirkadaha diyaaradaha oo wajahaya cadaadis xooggan oo kaga imaanaya dhanka DF
Muqdisho (Raxanreeb online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku cadaadineysa shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka howlgalla in ciidamo dheeraad ah diyaaradahooda ku geeyaan deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, xilli maamulka Jubbaland arrintaasi uga digayo shirkadaha. Sidoo kale, Shirkadaha diyaaradaha ayaa diiday in ciidamo ku daabulaan diyaaradahooda, waxa ayna taasi keentay in dowladda Soomaaliya shalay joojiso...
Soomaaliya oo Itoobiya ku eedaysay ‘faragelin’, oo ay colaad ka dhex hurisay qabaa’ilka.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Soomaaliya ayaa Jimcihii ku eedeysay Itoobiya inay faragelin ku heyso maamulkeeda koofureed ee Jubaland, taasoo ka careysiisay khilaaf xooggan oo muddo sannad ku dhow ka dhex taagnaa labada dowladood. Dalalka jaarka ah ayaa isku maandhaafsanaa tan iyo markii dalka Itoobiya bishii January ee sanadkan uu heshiis la galay maamulka Somaliland ee...
Bashaar Al-Assad oo xaskiisa iyo Caruurtiisa kala baxay dalka Suuriya
Dimishiq (Raxanreeb online) – Madaxweynaha dalka Suuriya Bashaar Al-Assad, ayaa hadda u muuqda mid niyadjabsan oo xaalka kusii xumaanayo, waxa uuna gudaha Suuriya kala baxay inta badan qoyskiisa, si ay uga nabad galaan duullaanka hubeysan ee kooxaha mucaaradka. Sidoo kale, Sargaal sare oo katirsan dowladda Suuriya ayaa wargeyska Wall Street Journal kasoo xigatay in qoyska...
Saraakiil kamid noqoneysa Daraawiishta ciidanka boliiska Somalia oo tababar loosoo xiray
Muqdisho (Raxanreeb online) – Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha S/ guuto Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa tababar ugu soo xiray Saraakiil loo Tababaray in ay Ciidanka Ka mid Noqdaan Daraawiishta Boliiska Soomaaliyeed kuwaas oo mudo Tababar ugu socday Dalka Jabuuti. Sidoo kale, Wafdiga Saraakiisha waxaa Hoggaaminaaya Taliyaha Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha S/ guuto Cabdulaahi Xasan Bariise oo ay...
Golaha wakiilada Puntland oo dib uceliyay qabya qoraalka xeerarka doorashooyinka Puntland
Garoowe (Raxanreeb online) – Fadhigii Saaka ee xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa waxa hareeyay dood ku saabsan Khilaafka arrimaha Federaalka iyo wax ka beddelkii lagu sameeyay dastuurkii KMG ahaa. Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa ka dooday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan hannaanka dowladnimada Soomaaliya ee ka dhashay wax ka beddelka dowladda Federaalka Soomaaliya ku...
Dowladda Mexico oo bilowday howlgalo ka dhan ah dadka Mujaahiriinta doonaya in ay galaan Mareykanka
Mexico (Raxanreeb online) – Dowladda Maxico ayaa bilowday howlgalo ay ku qab qabanayso dadka muhaajiriinta ah ee doonaya in dalkooda ka galaan Mareykanka, waxa ayna ciidamada booliiska iyo kuwa ilaalada xuduudaha xir xireen dad badan oo doonayay in ay galaan Mareykanka. Sidoo kale, war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Maxicio ayaa lagu sheegay in...









