Month: August 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo golaha samata-bixinta Soomaaliyeed oo maanta ku kulmi doona Muqdisho
Post

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo golaha samata-bixinta Soomaaliyeed oo maanta ku kulmi doona Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta lagu wadaa in markale ay Villa Somalia kulan ku yeeshaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha golaha samata-bixinta Soomaaliyeed oo hoggaaminayo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed. Shirka ayaa si gaar ah waxa ay xubnaha uga hadli doonaan wax-ka badalkii lagu sameeyey dastuurka KMG ah ee dalka. Golaha samata-bixinta...

Xulafada Yurub oo ku adkeysanaya in Ukraine lagu daro wada-hadallada
Post

Xulafada Yurub oo ku adkeysanaya in Ukraine lagu daro wada-hadallada

Ukraine ( Raxanreeb Online) Xulafada reer Yurub ayaa taageero u muujiyay Ukraine, iyagoo ku adkaystay in wadahadal kasta oo nabadeed oo lala yeesho Ruushka ay tahay in lagu daro Kyiv. “Jidka nabadda ee Ukraine lama go’aansan karo Ukraine la’aanteed,” ayaa lagu yiri bayaan ay si wadajir ah u soo saareen hoggaamiyeyaasha UK, Faransiiska, Talyaaniga, Jarmalka,...

Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad u socotay Hargeysa oo burburtay
Post

Faahfaahin ka soo baxaysa diyaarad u socotay Hargeysa oo burburtay

Nairobi ( Raxanreeb Online) Ku dhawaad 6 qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad nooca fudud ah oo ay leedahay hay’ad samafal oo caafimaad ay ku burburtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, sida uu sheegay mas’uul hadlay. Hay’adda Amref Flying Doctors ayaa sheegtay in diyaaradda oo nooceedu ahaa Cessna ay ka kacday garoonka diyaaradaha...

Madaxweynaha Mareykanka oo shaaciyay inuu ka fiirsanayo arrinta aqoonsiga Somaliland
Post

Madaxweynaha Mareykanka oo shaaciyay inuu ka fiirsanayo arrinta aqoonsiga Somaliland

Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ka jawaabay su’aalo laga weydiiyay inuu aqoonsanayo Somaliland, oo laga yaabo in dib u dajis loogu sameeyo deegaanadeeda shacabka Reer Falastiin, Trump ayaa yiri “ arrintani hadda gacanta ayaan ku heynaa”. Madaxweyne Trump ayaa su’aashaan la weydiiyay xili xalay heshiis nabadeed u kala saxiixay dalalka Azerbijan...

Xildhibaano Mooshin kalsooni kala noqoshaha ah kawada Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi
Post

Xildhibaano Mooshin kalsooni kala noqoshaha ah kawada Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaan Cabdi Ladiif Muuse ( Sanyare) oo katirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in wadaan mooshin kalsooni kala noqosha ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cabdi Barre. Xildhibaan ayaa tilmaamay in qorshaha uu yahay in 23-ka bishan markii uu furmo kalfadhiga Baarlamaanka ay keenayaan Mooshinka. Waxa uu hoosta ka xariiqay Xildhibaan...

Golaha wasiirrada Jubbaland oo eedeeyn kulul u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh
Post

Golaha wasiirrada Jubbaland oo eedeeyn kulul u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh

Kismaayo ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xaaladda gobolka Gedo. Sidoo kale golaha wasiirrada Jubbaland ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ku eedeeyey inuu sii horinayo colaado daba dheeraa...

Dowladda UK oo Soomaaliya ka caawineysa casriyeeynta dakhliga gudaha
Post

Dowladda UK oo Soomaaliya ka caawineysa casriyeeynta dakhliga gudaha

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekedda Muqdisho iyo Agaasimaha furdooyinka, ayaa maanta xarunta dekedda ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya, Mr. Charles King iyo koox ka socotay Xafiiska horumarinta Dowladda UK. Kormeerka Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa salka ku...

Duqa Muqdisho oo daaf-furay ololaha nadaafada caasimada & wasiirro ka qeyb galay…
Post

Duqa Muqdisho oo daaf-furay ololaha nadaafada caasimada & wasiirro ka qeyb galay…

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mashruuca ololaha nadaafada caasimadda ee dib-usoo-celinta bilicda magaalada Muqdisho, ka daah-furay waddada dheer ee wadnaha, gaar ahaan waddada kala qeybisa degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid. Waxaa ololahaan ka qeyb qaatay Wasiiro ka tirsan XFS, Xildhibaanno ka tirsan BFS, Madaxda...

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay Muqdisho
Post

Kulan looga hadlayay amniga oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee saraakiisha Booliska Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga caasimadda. Shirka oo ka dhacay Taliska Qaybta Guud ayaa warbixinno looga dhageystay Taliyaha Qaybta Guud, Gaashaanle Sare Mahdi Cumar Muumin, iyo saraakiisha kale, oo...