Hiiraan (Raxanreeb Online) Hay’adda Nabad sugida iyo qaranka ee NISA, ayaa ka warbixisay howlgal duqeymo ah lagu dilay xubno katirsan kooxda Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Hiiraan.
Qoraal kazoo baxay hay’adda NISA, ayaa lagu sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo si gaar ah looga fuliyay deegaanka Biyo Madoobe ee gobolka Hiiraan, isla markaana lagu dilay 7 xubnood oo katirsan Al-shabaab.
Howlgalka oo la sheegay in ay iska kaashadeen ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa lagu sheegay in lagu burburiyay gaari xamuul ah oo kooxda rasaas ugu rarneed.
“Ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, oo maanta howlgal qorsheysan ka fuliyey tuulada Biyo Madoobe oo hoostagta deegaanka Jicibow ee Gobolka Hiiraan ayaa halkaas ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo sidoo kale la burburiyay gaari nooca xamuulka ah oo ay Khawaarijtu kusoo rareen rasaas fara badan oo jawaanno lagu cabbeeyay”.
Sidoo kale NISA, ayaa sheegtay in deegaanka Jicibow iyo deegaannada ku xeeran ay marin si gaar ah loo ilaaliyo si looga hortago in Argagixisadu ay isaga gudubto Galbeedka iyo Bariga Gobolka Hiiraan.

Leave a Reply