71 jir xagjir ah, oo Toorreey ku dilay wiil 6 jir ah oo Muslim ah

71 jir xagjir ah, oo Toorreey ku dilay wiil 6 jir ah oo Muslim ah

New York (Raxanreeb) — Dalka Mareykanka waxaa aad loo hadal hayaa sheekada la xiriira Oday da’ ahaan jira 71 sano oo aad ugu fogaaday ‘Muslim Nacayb’ in uu mindi dhowr meel uga dhuftay wiil 6 jir ah oo qoyskiisa Muslim ah oo dhintay iyo dhaawac halis ah oo uu u geystay Hooyadiis.

Ninka Dilka iyo dhaawaca geystay ayay la degenaayeen qoyskaan sida ay xaqiijiyeen saraakiil katirsan Hay’adaha Ammaanka Mareykanka oo gacanta ku dhigay kiiskaan isla markaana sheegay in maxkamad lasoo taagi doonno.

Joseph Chuba oo ah gacan ku dhiiglaha dhibaatada geystay ayaa ugu yaraan 26 jeer waxa uu toorey ku dhuftay wiilka yar oo ugu dambeyn naftu ka baxday halka dhaawac halis ah oo weliba muuqda u geystay Hooyadiis oo 32 jir ah.

Halka weerarkaan uu ka dhacay waa Gobolka Illinois, waxaana arrintaan si gaar ah loola xiriiriyay xaaladda ka dhex aloosan Falastiin iyo Israaiil ee ka taagan Magaalada Gaza, Joseph ayaa la tuhmayaa in uu nacayb badan u qaaday Muslimiinta.

Warbaahinta Mareykanka iyo Dibadda ayaa aad u hadal haya sheekadaan iyada oo qaarkood ay la kulmeen ehelka dadkaas dhibku gaaray, Saraakiisha Waaxda la dagaalanka Muslim nacaybka iyo Xubnaha u dooda Bulshada Muslimiinta ah.