WFP oo marin nabdoon u raadineysa gargaarka la geynayo Gaza

WFP oo marin nabdoon u raadineysa gargaarka la geynayo Gaza

New York (Raxanreeb) — Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa Talaadadii ku baaqday in la sameeyo waddooyin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza, taas oo ay isticmaali karaan shaqaaleheeda iyo gargaarka ay wadaan.

Bayaanka ay soo saartay WFP ayay ku sheegeen inay billaabeen, hawlgal degdeg ah oo ay doonayaan in cunto lagu gaadhsiiyo in ka badan 80,000 oo qof oo ku nool marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, kuwaas oo haatan aan haysan adeegyada aasaasiga ah, sida cuntada iyo biyaha.

WFP ayaa intaas ku dartay inay qaybiyeen cuntooyin diyaar ah, taas oo ay gaadhsiiyeen illaa 73,000 oo qof oo ku nool marinka Gaza.

WFP ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda cunto yaraanta ee ka jirta Gaza, iyada oo haatan ay gabaabsi yihiin, cuntooyinkii yaallay meheradaha ganacsigu, ka dib markii ay Israa’iil ku dhawaaqday inay gebi ahaanba go’doominayso deegaankan.

Israa’iil ayaa sheegtay inay tallaabadan u qaadayso, si ay uga falceliso weerarkii Sabtidii.

Waxaa xidhan dhammaan xuduudaha iyo marinada u dhexeeya Gaza iyo Israa’iil, taasoo ay WFP sheegtay inay sare u sii qaaday xannibaadaha dhinaca gargaarka bini’aadanimo.