Suudaan oo dacwo ka ah Imaaraadka Carabta

Suudaan oo dacwo ka ah Imaaraadka Carabta

Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay Al- Harith Idriss Al- Harith ayaa shalay weerar afka ah ku qaaday Imaaraadka Carabta shir Golaha Ammaanka, isagoo ku eedeeyay dowladda dalkaasi inay colaad ka dhex hurineeyso dalkiisa, eedeyntaasi oo ergayga Imaaraadk Carabta uu si cad u diiday.

Muddo bilo ah, ayaa ciidanka Sudaan waxay ku eedeynayeen Abu Dhabi inay taageerto xoogaga RSF ee dagaalka kula jira ciidanka qalabka sida ee Sudan.

Bishii Abriil, Suudaan waxay codsatay kulan degdeg ah oo Golaha Amaanka oo ku saabsan eedeeyntaasi kaas oo aan meel marin.

Sudan ayaa cagaha la gashay dagaalka sokeeye bishii April 2023-kii oo ay iska hor-ymaadeen militariga caadiga ah ee uu hogaamiyo taliyaha ciidamada Abdel Fattah al-Burhan iyo xoogaga RSF ee uu hogaamiyo ku xigeenkiisii hore Mohamed Hamdan Daglo.

Qaraar la ansixiyay todobaadkii hore oo lagu dalbanayay in la soo afjaro “go’doominta” RSF ee El-Fasher ee gobolka Darfur ee Suudaan, ayaa golaha amaanka wuxuu ugu baaqay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay “iska ilaaliyaan faragelin dibadeed wuxuuna ku booriyay in la ixtiraamo cunaqabateeynta hubka ee Sudaan.