Guddiga doorashooyinka oo magaalada Xudur ka daaf-furay Ololaha diiwaan-gelinta doorashada

Xudur ( Raxanreeb Online) Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa magaalada Xuddur ee gobolka Bakool ka daah-furay ololaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa maanta magaalada Xuddur si rasmi ah uga daah-furay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Bakool.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka go’an in doorasho qof iyo cod ah laga hirgeliyo dhammaan gobollada dalka, si muwaadiniinta Soomaaliyeed u helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta, ugana qeyb qaataan go’aaminta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.