Maraykanka iyo shiinaha oo heshiis ka gaadhaya TikTok

Washingto ( Raxanreeb Online) Mas’uuliyiin Maraykan ah iyo kuwa Shiine ah ayaa Isniintii sheegay in ay gaadheen heshiis hordhac ah oo uu Maraykanku kula wareegayo aalladda muuqaallada gaagaaban ee TikTok ee uu shiinuhu leeyahay. Warku waxa uu intaasi ku daray in uu jiri doono wicitaan dhinaca taleefanka ah oo Jimcaha ahdhex mari doona Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping.

Wadahadallo socday bilo socday oo dhex marayay dalalka hoggaamiyaha dhaqaalaha caalamka ayaa ku saabsanaa heshiis suurtagal ah oo laga gaadho barta caanka ah ee TikTok oo ay adeegsadaan 170 milyan oo Maraykan ah.

Arrintan ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli muddooyinkii la soo dhaafay ay dunida aybo badna ka dhaceen dagaal-ganacsiyeed ballaadhan oo gilgilay suuqyada caalamiga ah.

Kaddib kulan ka dhacay magaalada Madrid oo la qaatay masuuliyiin Shiine ah, Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Scott Bessent ayaa sheegay in ay soo dhammaatay muddadii ay bartan bulsho ee TikTok ay carqaladaynaysay dalka Maraykanka. Waxa se uu diiday in uu ka hadlo wuu diiday inuu ka hadlo waxyaabaha gaarka ah ee heshiiskaasi ku saabsan.

Bessent wuxuu sheegay in marka la shaaciyo shuruudaha ganacsiga ee heshiiskan, uu ilaalin doono dhinacyada dhaqanka ee TikTok ee gorgortanlayda Shiinaha ay danaynayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.