Madaxweyne Xasan “magaaladaan Oobasiib masii ahaan doonto”

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay duminta dhulka dowladda, oo maalmihii dambe ay dood badan ka taagneed.

Madaxweyaha waxa uu sheegay in caasimada aysan sii ahaan doonin Oobasiib ( dhul isku raran oo aan wadooyin la heyn), waxa uuna carabka ku dhuftay in dowladda hoose ay iyada mas’uul ka tahay bixinta dhulka, hadana ay wado dadaalo lagu bixinayo jidad.

Waxa uu madaxweynaha sheegay in kooxda Al-shabaab ay ku dhuumaaleysan karaan isku raranka, sidaas darteedna aan la aqbali Karin xaafado aan la heyn waddooyin ay maraan gaadiidka amniga, kuwa gurmadka degdeg ah iyo dadka dhinta aan laga soo saari Karin.

“Magaaladan ma sii ahaan doonto Oobasiib, meel ay Al-shabaab ku dhuuntaan oo aan gali karin ciidanka amniga, Adduunyadu dad farqi ah way qabtaa ee sida ay u nooshahay aan u noolaano, magaaladaan in nadiif iyo nabad ahaato, amarkaasina wey qabtaa dowladda hoose”, ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Geesta kale madaxweynaha ayaa ka hadlay dadka heysta sharciga ee duminta dhulka uu gaaray, waxa uu tilmaamay qofkii caddeyn heysta uu tagi karo maxkamadaha, isla markaana marka la xaqiijiyo la xalin doono.

Sikastaba, dowladda Soomaaliya ayaa dhulal badan dadkii daganaa ka saartay, iyada oo sheegtay in lagu fulin doono howlaha danta guud, halka qeybo kale ay u sharciyeeysay dadkii xaqa u lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.