Muqdisho ( Raxanreeb Online) Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa kulan heer sare ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka Finland (FIS), oo wehlinayeen Safiir Kuxigeenka Ahna kusimaha Safiirka dowlada Finland ee Soomaaliya, Taliye Kuxigeenka Booliiska, iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Hay’adaha Amniga Xuduudaha ee dalkaasi.
Kulanka ayaa mid daba socday safarkii wafdiga hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, ay bartamihii sanadkan ku tageen dalka Finland oo ujeeddadiisu ahayd safar sahan “scoping exercise” oo lagu qiimeynayo awoodda Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda u leedahay maareynta xuduudaha iyo maamulka socdaalka iyadoo la isticmaalayo teknoolijiyada casriga ah.
Wefdiga dowladda Finland, ayaa indho indheen ku sameeyey goobaha shaqada ee Terminaalada Socdaalka ee Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay si dhow u kormeereen nidaamyada isku xiran ee PISCES iyo Interpol oo kaalin mug leh ka qaata sugida amniga xuduudaha iyo Socdaalka sharci ah.
Kulamo heer sare ah oo socday muddo saddex maalin ah ayaa sidoo kale labada dhinac ku falanqeeyeen warbixino la xiriira waxqabadka, caqabadaha jira, iyo meelaha muhiimka ah ee iskaashi dheeraad ah laga samayn karo.
Ugu dambeyn agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Mustaf Dhuxoow, ayaa wefdiga dowladda Finland, uga mahadceliyay wafdiga booqashada iyo taageerada joogtada ah oo ay la garab taagan yihiin horumarinta dib-u-habaynta hay’adda, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo tayaynta adeegyada Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Leave a Reply