New York ( Raxanreeb Online) Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa lagu wadaa in ay kulan ka yesheen xadgudubka ay Isra’iil ku sameeysay Soomaaliya 26-kii bishan taasi oo ay ku aqoonsatay Somaliland, tallaabadaasi oo dalal badan ay kasoo horjeesteen.
Kulankan ayaa qabsoomidiisa waxaa xaqiijiyay Afhayeenka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Soomaaliya oo ku jirta 15-ka xubin ee go’aan ka gaari kara, ayaa laga dhageysan doonaa warbixino ku saabsan xadgudubka ay Israa’iil u geystay Soomaaliya, iyo tallaabada kaga aadan arrintaasi golaha.
Danny Danon oo ah wakiilka joogtada ee Israa’iil u jooga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa niyad jab ka muujiyay inuu maamulkiisa helo kalsooni iyo garab istaag dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay, si loo dhaqan geliyo go’aanka kasoo baxay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Binjamiin Natanyahu.
Go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, ayaa waxaa cambaareeyn dalal badan oo caalamka ku yaalla, kuwaasi oo tallbaada Israa’iil ku tilmaamay xadgudub ay ku sameeysay midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Leave a Reply