Xarunta golaha shacabka oo buuq iyo sawaxan ka taagan yahay

Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ayaa maanta fadhi wadajir ah ka leh cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan lagu wareejiyay Guddiga u qaabilsan dastuurka.

Xildhibaannada iyo Senatarrada ayaa ku kala aragti duwan qabyotirka Dastuurka gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad iyo hannaanka loo marayo dooddaan, waxa ay si hordhac ah u sheegeen in doodahooda ay dhexgayn doonnaan aqalka Golaha Shacabka.

Qaar kamid ah qoraalada la doonayay in laqeybiyo ayay jeex-jeexen xildhibaanada mucaaradka ee diidan in hadda laga hadlo wax kabedelka dastuurka, taas oo keentay in Aaden Madoobe fadhiga xiro.

Xarunta golaha shacabka waxaa ka taagan buuq iyo sawaxan, waxaa sidoo kale xarunta isku dagaalay wasiirka amniga Soomaaliya Fartaag iyo xildhibaanada Xasan Firimbi.

Sidoo kale guddoomiye Aadan Madoobe ayaa xakameyn waayay xildhibaannada.

Wixii ku soo kordho warkan halka kala soco.

Leave a Reply

Your email address will not be published.