Wacaal cusub ka soo kordhay diyaaradii ku dhacday garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan, ayaa faah faahin ka bixiyay diyaarad rakaab ah oo goordhaweyd ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maareeyaha, ayaa sheegay  in diyaarad rakaab sida ay shil ku gashay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, kaddib markii ay dib ugu soo laabatay garoonka wax yar kadib markii ay ka kacday.

Maareeyaha ayaa xusay in aysan jirin wax khasaare nafeed ah oo shilka diyaaradda ka dhashay, waxa uuna sheegay in lasoo badbaadiyey dhammaan rakaabkii la socday.

Diyaaradda oo u socotay magaalada Gaalkacyo ayaa markii ay kacday waxaa ku soo baxday ciladda, taasi oo sababtay inay dib ugu soo noqoto garoonka Aadan Cadde, Beyloodkii waday diyaaradda ayaa dhaqso ku soo celiyay dhanka magaalada, kaddib markii ay soo cagadhigatay. waxaa la tilmaamay inuu xakameen-waayey, isla markaana dhabihii oo dhanka badda ayey ula gudubtay, wax khasaaro ahna aysan ka dhalan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.