Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cali , ayaa maanta uga qayb galay xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa shirka heer wasiir ee Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika (AU PSC), kaas oo diiradda lagu saaray hawlgalka AUSSOM iyo xaaladda Suudaan.
Wasiirka ayaa ugu mahadceliyey hoggaanka Midowga Afrika iyo dalalka ciidamada ku deeqay taageerada ay siiyaan hawlgalka AUSSOM, isaga oo sidoo kale xusay muhiimadda doorashooyinka qof iyo cod ee ka qabsoomtay Muqdisho oo uu ku tilmaamay tallaabo taariikhi ah.
Sidoo kale, wuxuu muujiyey qaddarin ku aaddan doorashada Soomaaliya loogu doortay xubinnimada Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika.

Leave a Reply