Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya aya sheegtay in abaarta ba’an ee xilligan ka jirta dalka Soomaaliya ay saameyn ku yeelatay noolasha malaayiin qof oo xool.a dhaqato ah.
Rai’sul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Bare oo khudbad jeedinayay, ayaa sheegy in dad tiradoodu ay gaareyso 7 milyan oo qof ay saameyn ku yeelatay abaarta.
Waxaa uu sidoo kale uu Ra’usul wasaarahu uu tilmaamay in abaarta ay galaafatay noolasha xoolo badan.
“Maanta waxaanu ku jirnaa xilli adag oo ay abaaro daran ay dalka ka jiraan ku dhawaad 7 milyan oo Soomaali ah ayay si adag u saameeyeen abaarahaasi” ayuu yiri rai’sul wasaare Xamse.
Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si degdeg ah shacab iyo dowladba ay gargaar lala gaaro shacabka ay abaartu ay saameysay ee ku nool gobollada dalka.
Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayay ayaa xusay in siyaasada meel laiska dhigo, loona soo jeesto dadka ay noolashooda qatarta ku jirto.
Sikastaba, hay’adda gargaarka iyo musiibooyinka Qaranka ee Sodma, ayaa dhowaan sheegtay in abaarta Soomaaliya ka jirto ay mareeyso meeshii ugu xumeed, isla markaana ku baaqday in hay’adaha deeq bixiyaasha ay kaalintooda ka qataan dadka ay abaartu sameeynta ku yeelatay.

Leave a Reply