Munich ( Raxanreeb Online) Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa u sheegay shirka ammaanka ee Munich in Washington ay doonayso inay dib u cusboonaysiiso, xulafadeeda dalalka Yurub.
Rubio wuxuu sheegay in Mareykanku mar walba ahaan doono “ilmo ka tirsan Yurub,” wuxuuna ku adkeystay in dalkiisu doonayo inuu ilaaliyo xiriirkaas halkii uu ka soo afjari lahaa.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli Jimcihii hoggaamiyeyaasha Germany iyo France ay ka digeen khilaafyo ka dhex jira xulafada uu Mareykanka ka mid yahay.
Khudbaddiisa Sabtidii, Rubio wuxuu sidoo kale dhaliilay waxa uu ku tilmaamay “tahriib ballaaran,” iyo dhibaatada dadka soo galootiga ah.
Intii uu ka qaybgalayay shirka, Rubio wuxuu qabtay kulamo dhowr ah oo dhinacyada ka baxsan ah, balse lama filayo inuu la kulmo madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, oo isaguna maanta khudbad jeedinaya.

Leave a Reply