Muqdisho ( Raxanreeb Online) Shirkii u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ee maanta ka qabsoomay Villa Somalia, ayaa kusoo dhammaaday natiijo la’aan, iyadoo aan wax heshiis ah laga gaarin qodobadii miiska saarnaa.
Kulanka oo qaatay waqti dheer ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray hannaanka doorashada dalka iyo qodobada la xiriira Dastuurka., balse labada dhinac ayaa ku kala aragti duwanaaday qodobadaas, taasoo keentay in la waayo is-afgarad mideeya.
Intii uu kulanku socday, labada garab ayaa yeeshay kulamo gaar gaar ah oo ay isku dayayeen inay isku soo dhowaadaan mowqifyadooda, balse dadaalladaasi ma keenin wax natiijo ah. Arrintan ayaa muujinaysa in aan weli la gaarin isku tanaasul siyaasadeed oo horseedi kara heshiis rasmi ah.
Ilaa hadda ma jiro kulan kale oo si rasmi ah loogu balamay, mana jirto jadwal la shaaciyay oo dib loogu sii ambaqaadi karo wada-hadallada.
Wixii ku soo kordho warkan kala soco

Leave a Reply