Maamulka Koonfur Galbeed oo guddomiye ku-xigeen u magacaabay Shabeellaha hoose

Baydhabo (Raxanreeb Online) Wareegto kasoo baxday Hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee dowladda goboleedka Koonfur Galbeed Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Cabdiweli Axmed Maxamed u Magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sido kale Hogaamiye Jibriil ayaa Aadan Abdi Abaarey u Magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka akhriso wareegtada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.