Aabe 40 jir ahaa oo qoyskiisa lagu dhex dilay duleedka Muqdisho

Aabe 40 jir ahaa oo qoyskiisa lagu dhex dilay duleedka Muqdisho

Muqdisho (Hornlife) — Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa dil qorsheysan oo habeen hore kooxo hubeysan ka gaysteen duleedka magaalada Muqdisho, kaas oo loo gaystay Aabe ku dhex jiray carruurtiisa iyo qoyskiisa, xili uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa.

Dilkan oo si gaar ah, uga dhacay deegaanka Xaawo Cabdi, duleedka caasimadda Muqdisho, ayaa waxaa gaystay rag ku hubeysnaa qoryo iyo toorreeyo oo weerar ku qaaday qoyskaasi.

Gabar kamid ah ehellada oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in weerarka uu dhacay xilli ay joogeen bannaanka, isla markaana lagu hor dilay Aabaha qoyska.

Sidoo kale gabadha ayaa sheegtay in dableyda ay ka dhaceen taleefoonnada kadibna ay rasaas ooda kaga qaadeen uu u geeriyooday Aabaha qoyska oo da’diisu lagu sheegay 40 sano jir.

“Waxay ahaayeen 7 ruux oo ku hubeysnaa qoryo iyo mindiyo way nasoo galeen wiilna waa naga dileen wayna dhaceen” ayay tiri gabar kamid ah dadka deegaanka.

Sidoo kale gabadha ayaa baaq dheer u dirtay dowladda federaalka Soomaaliya, oo ah, in ay wax ka qabato dowladda dhibaatooyinka soo lalaabtay.

“Waxaan dalbaneynaa in nagala qabto dhalinyarada qoryaha wadata ee nagu soo soofeyso habeen walbo” ayay tiri.

Muqdisho, inta badan waxaa ka dhaca falal amniga liddi ku ah, kuwaas oo ah, dhac dhaawacyo dilal oo inta badan shacabka Soomaaliyeed fajac iyo amakaak ku noqda.