Agaasimaha Batroolka Somalia oo sheegay in Ceelka Shidaalka Holhol la siiyay shirkada…

Iyada oo dhowaan si toos ah loo bilaabi doono qodista Ceelkii ugu horeeyay ee shidaalka Soomaaliya, ayaa waxaa ka faah faahin laga bixiyay in Ceelka shidaalka Holhol la siiyay shirkadda Gulfsom Energy.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Maxamed Cabdixaashi Carabey, oo wareeysi gaar ah siiyay warbaahinta Raxanreeb, ayaa sheegay in Ceelka Holhol in la siiyay shirkadda Gulfsom Energy LTD, oo ka diwaan gashan Soomaaliya iyo Qatar.

Waxa uu intaas ku daray Agaasime Carabeey, in shirkadaas inay ka shaqeyn doonto qodista, isla markaana waxa uu tilmaamay in dowladda ay bixisay kharashaadka lacagta, uuna rajeynayo in mar dhow ay ka shaqo bilaabi doonto.

Raxanreeb ayaa weydiisay Agaasimaha Batroolka Soomaaliya mudane Carabeey, in shirkada Gulfsom Energy ay lee yihiin dad Soomaali ah ama dad Qatar u dhashay ?

Agaasime Carabeey, ayaa ku jawaabay in Shirkadda ay bahwadaag ku yihiin Soomaali iyo Qatar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.