Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday Ceeldheer

Al-Shabaab oo weerar qaraxyo ku billowday ku qaaday Ceeldheer

Ceeldheer (Raxanreeb) — Faah faahino dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo qaraxyo ku billowday oo lagu qaaday gudaha degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, saakay aroornimadii, halkaas oo uu ka dhacay dagaal toos ah.

Kooxda Al-Shabaab. ayaa afar jiho ka wareeray magaaladaasi oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in ay aad u maqleen jug weeyn kadibna ay xigtay hubka noocyadiisa kala duwan oo oo ay isku adeegsaneeyn kooxda weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan kuwa Gor Gor.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay howlgalkan ayaa sheegatay inay kula wareegtay fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada iyo xarumo muhiim, ah oo ku yaalla halkaasi.

Dhinaca kale Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo iyadana warsaxaafadeed ka soo saartay ayaa sheegtay in la jabiyay Al-Shabaabkii weeraray Ceeldheer, khasaare culusna la gaarsiiyay.

Dowladda ayaa tiri sida tan “Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah oo waaberigii hore ee saakay weerar kusoo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud”.

“Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo” ayaa lagu yiri markale.

Xaaladda deegaankaasi, ayaa aad u kacsan iyadoona la dareemayo dhaq-dhaqaaqyo xooggan oo iska soo horjeeda labada dhinac, ee aagga degmada Ceeldheer, gobolka Galgaduud.

Degmada Ceeldheer, ayaa ka mid ah, degmooyinka horey looga saaray kooxda Al-Shabaab, islamarkaana hadda ay gacanta ku haayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gorgor.