Fiqi oo shaaca ka qaaday hadal buriyay sheegashada Farmaajo guushii kursiga QM

Fiqi oo shaaca ka qaaday  hadal buriyay sheegashada Farmaajo guushii kursiga QM

Muqdisho (Raxanreeb) — Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, oo ka hadlay guusha taariikhiga ahayd ee Soomaaliya gaartay maalintii Khamiista ahayd ayaa shaaciyay xogta sida uu kusoo billowday ololaha kursigan, Soomaaliya heshay ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Fiqi, ayaa sheegay in codsiga kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, ee Soomaaliya, ku guuleysatay ay Dowladda Xasan Sheekh, u gudbisay codsigiisa sannadkii 2022-ka, kaas oo keenay guusha hadda la gaaray.

Sidoo kale waxa hadda uu tilmaamay in kursigan ee dowladdii hore ee madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, u gudbisay 2018-kii la siiyay Mozambique, sida uu sheegay Wasiir Fiqi.

“Soomaaliya 2018-kii ayay gudbisatay inay u tartanto kursigaas, kadibna Mozambique ayaa la siiyay kursigaas, kadib ayaa codsi kale Soomaaliya 2022-kii gudbisay inay u taagan tahay kursigaas, kadibna loo qoondeeyay dowladdihii bariga Afrika ka tirsanaa oo markii dambe lagu qanciyay in Soomaaliya loo daayo,” ayuu yiri Fiqi.

“Sidaas ayuu ururka Midowga Afrika u iclaamiyay inay Soomaaliya tahay musharaxa keliya ee u taagan kursigan, taasi waxay keentay in adduunka intiisa kale loo galo olole, kaasi oo ugu dambeyn mira-dhalay”. ayuu yiri mar kale.

Wasiir Fiqi, ayaan dafirin dadaalkii dowladdii hore ee kursigan, haddana waxa uu sheegay in guushan ay ku timid dadaaladdii ugu dambeeyay ee dowladda Xasan Sheekh, oo ayadu gudbisay codsigii danbe ee loogu tartamay kursigaan, kuna guuleysatay ugu danbeeyntii, Soomaaliya.

Waxa uu intaasi kusii daray “Si tartan la’aan ah ayaa naloogu coddeeyay oo codkii loo baahna waa ka gudubnay oo waxaa caddeeyay 185 dowladood, intooddii badnaa marka laga 6 waa helnay codkoodii, taasina waxay muujineysa dadaalkii xoogganaa ee lagu jiray sanadihii lasoo dhaafay inuu mira-dhalay.”

Soomaaliya, ayaa maalintii Khamiistii ku guuleeysatay kursiga Ammaanka ee Qaramada Midoobay 20 ku matali doonta 2025-ka 2026-ka, kuna matali doona dalalka Africa.

Soomaaliya, ayaa si rasmi ah, uga mid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ay hoggaankiisa la wareegi doonto horraanta sannadka cusub ee 2025-ka ayna ku egtahay 2026-ka.