AMNIGA  : Koox dhac ka gaysanayay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay.

AMNIGA  : Koox dhac ka gaysanayay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay.

Muqdisho (Raxanreeb ) –Saaka Taariikhda 13-05-2024  abaaro  07:30 Am Ayaa Waxaa Muwaadiniin Soomaaliyeed  Lagaga Dhacay Telefoonada Gacanta Degmada Heliwaa . 

Dhibanayaashii Waxay Degdeg Ula Xiriireen  Xarunta Gurmadka Degdega ayagoo toos u wacay nambarka Gaaban  991 ayagoo Ku war geliyey In La dhacay.  Xarunta Gurmadka  ayaa Sitoos ah u Howl gelisay Ciidanka Boliiska ee  u dhawaa goobta dhaca laga Geystey 

Waxaan Si degdeg ah ugu Gurmaday  Saldhigga Boliiska Heliwaa Kaas oo  Raad Raac kadib Gacanta Ku soo Dhigey  Toogadii iyo Mooto Bajaaj ay Wadteen 

Waxaana lagu haayaa Saldhigga Heliwaa baaris ayaa socota waxaan la horgeydoonaa maxkamada ay Quseyso

Leave a Reply

Your email address will not be published.