Aqalka Cad war dheeraad ah ka soo saaray wada-hadalkii Xasan Sheekh & Blinken.

Aqalka Cad war dheeraad ah ka soo saaray wada-hadalkii Xasan Sheekh & Blinken.

New York (Raxanreeb )- Aqalka Cad ee Mareyka ayaa markii ugu horeysay warsaxaafadeed ka soo saaray shir dhanka Telefoonka ah oo dhaxmaray Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh & xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka Blinken.

Warka Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen xiisadda siyaasadeed ee ka jirta gobolka , wax kastana lagu dhameeyo wada- hadal .

“Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony J. Blinken ayaa la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ay ka wada hadleen danaha amni ee Geeska Afrika, oo ay ka mid tahay in la yareeyo xiisadaha gobolka.” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay aAqalka Cad.

Wada xiriirka dhanka taleefanka ah oo dhex maray Antony J. Blinken iyo Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa dhinacyadu kaga wada hadaleen hawlaha gobolka.

Maraykanka ayaana Madaxweyne Xasan ugu baaqay in uu awoodda saaro “la dagaallanka argagaxisada” sida warsaxafaadeedkaas lagu sheegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.