AS oo beegsaday masuuliyiin Koonfur Galbeed , hadda maxaa ka socda ?

AS oo beegsaday masuuliyiin Koonfur Galbeed , hadda maxaa ka socda ?

Baydhabo (Raxanreeb) – Ciidanka maamulka KGS ayaa magaalada Baydhabo eee gobolka Baay ka bilaabay howlgal ay ku doonayaan in ay ku sugaan amniga ka dib weeraro halkaas ka dhacay.

Weerarkan ayaa  la sheegay in lala beegsaday masuuliyiin sar sare oo ka tirsan maamulka KGS kuwaas oo ku sugnaa  guryahooda gudaha magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Masuuliyada weerarkan oo ay sheegteen kooxda Al – Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in saraakiisha  maamulka ee la beegsaday waxyeelo aysan gaarin balse khasaare uu  soo gaaray ilaaladooda.

Ilaa laba qarax oo is xiga ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhacaan  gudaha magaalada Baydhabo kuwaas oo lala eegtay masuuliyiin ka tirsan maamulka  koonfur Galbeed.

Kan koowaad ayaa lagu qaaday hoy uu dagan yahay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka maamulka , kaas oo magaciisa lagu sheegay Kuuroow Amxaar.

Qaraxa labaad waxaa  lagu weeraray guriga wasiirkii hore ee warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur oo haatan ah agaasimaha xarunta Tubsan ee maamulkaasi.

Saraakiisha maamulka KGS ayaa sheegay in xaaladda magaalada Baydhabo ee gobolka Baay haataan ay degan tahay isla markaana ay socdaan dadaalo amniga lagu xaqiijinayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.