AS oo weerar qaraxyo ku bilowday kuqaaday Yaaqbiriweyne

AS oo weerar qaraxyo ku bilowday kuqaaday Yaaqbiriweyne

Yaaqbiriweyne (Raxanreeb)  Xubno katirsan kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay uu ku sugnaa xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Sidoo kale, Al-Shabaab ayaana qaraxyada kaddib la sheegay in weerar toos ah ku qaadeen ciidamo dadka deegaanka ah oo hormuud u ahaa xildhibaan Jeesow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo labada dhinac dhax maray.

Dhanka kale, Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sheegay in weerarka Al Shabaab uu ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah, waxa uuna xusay in ay iska caabiyeen si adagna uga hortageen weerarka kooxda Al Shabaab kusoo qaadeen.

Waxa uu sheegay in xubno badan ka dileen Shabaabkii xalay weerarka kusoo qaaday, waxa uuna xusay in meydadka kooxdii ay dileen uu wali yaallo deegaanka ayna usoo bandhigi doonaan warbaahinta sida uu tilmaamay.

Jeesow ayaa sheegay in ciidanka deegaanka weerarka uu kasoo gaaray dhaawacyo, waxa uuna tilmaamay in dhaawacyada la geeyay laguna daaweenayo xerada ciidamada Danab ee Balli-doogle kuyaalla.

Deegaanka Yaaqbariweyne oo degto beesha uu kasoo jeedo xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa muddooyikii dambe waxaa ka ocday abaabul ay wadeen dadka deegaanka, kuwaa oo doonayay in deegaannada beeshooda ay ka saaraan kooxda Al Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.