Muqdisho ( Raxanreeb Oline) Howlgal ay sameyeen ciidanka booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka howlgalla saldhigga degmada Garasbaleey, ayey gacanta ku soo dhigeen rag ku eedeysan in dad shacab ah dhac u geysanayeen.
Raggan la qabtay ayaa ka tirsan askar katirsan ciidanka dowladda , waxaana la qabtay iyaga oo dhac ka geysanaya waaxda Siinka dheer ee degmada Garsabaleey ee magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay taliska booliska, ayaa lagu sheegay in raggan ku eedeysan dhac dadweyne loo gudbin doono maxkamadda, si cadaaladda loo marsiiyo.
Sidoo kale askarta falka dhac ah lagu soo qabtay, ayaa lagu kala magacabaa Dable Mustaf Niisaam Maxamed iyo Dable Anas Maxamed Muumin, kuwaasi oo ku labisnaa daree ciidan.
Ugu dambeyn taliska Booliska ayaa bulshada Muqdisho ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay ku soo wargeliyaan falalka la xiriira amni darrada iyo dhac ah, si looga hortago korna loogu qaado amniga magaalada Muqdisho.

Leave a Reply