Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay wiil dhalinyaro Aqoonyahan ah oo lagu magacaabi jiray Cabdi risaaq Abuukar Muxumed Beereey, oo xalay si fool xun loogu dilay waaxda Barwaaqo ee degmadda Dayniile ee Gobalka Banaadir.
Marxuum C/risaaq Abuukar Muxumed Beereey ayaa waxaa dilay mid ka mid ah Laba Askari oo isku risaaseyneysay Xaafadda Waaxda Barwaaqo ee degmadda Dayniile ee Gobalka Banaadir iyadda oo Askarigii dilka gaysatay uu ka baxsaday goobta uu dilka ka gaystay.
Sida aad la socotaan Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho, inta badan kama jirto helista fursadaha shaqo ayaa hadana Marxuum C/risaaq Abuukar Muxumed Beereey waxa uu noloshiisa ku maarayn jiray kana shaqeysan jiray Bajaajta ka howlgasha Magaladda Caasimadda ah ee Muqdisho.
Weli laamaha amniga ee dowladda, kama aysan hadlin falka dilka ah ee uu geystay askari katirsan ciidanka dowladda, mana jirto ilaa hadda talaabo muuqato oo ay qadeen laamaha amniga ee dowladda iyo maamulka degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Leave a Reply