Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kalfadhiga shanaad kulankiisa todobaad ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka waxa ay ku sii amba qaadeen ka doodista ajendaha la xiriira hubka sharci darada ah, dagaal beeleedyada iyo dhowrista xasaanadda xildhibaanadda, waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)....
Author: Mohamed Ibrahim (Mohamed Ibrahim)
RW Xamse oo Magacaabay Wasiiro Cusub
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno cusub oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda JFS. Ra’iisul Wasaare Xamsa oo gudanaya waajibka Dastuuriga ah ee ku xusan qoddobada 97, 98 iyo 100aad ee dastuurkaga KMG ah, isla markaana uu tixgeliyay talada Madaxweynaha JSF, uuna garawsaday hawlaha baaxadda leh ee...
Dagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Galgaduud
Laba Ruux ayaa ku geeriyootay Dagaal ka dhacay Deegaanka Laan Buraale oo u dhow Balli-dhiig, waxaana halka lagu dagaalamey deegaan aan ka fogeen xad beenaadka Galgaduud iyo DDS ee Gobolka Qoraxeey. Dagaalka ayaa u dhexeeya Maleeshiyaad ka soo kala jeeda Waqooyiga iyo Koofurta Balambal. Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen...
Macalin lagu dilay Gobolka Mudug & faah faahin laga helay.
Ninkii dilay Macalin Cabdiraxmaan Muuse Ducaale ayaa gacanta lagu dhiga”, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug oo ka hadlayay kulan ay saaka isugu yimaadeen maamulka waxbarashada iyo macalimiinta gobolka Mudug. Laamaha amaanka gobolka Mudug iyo dadka deegaanka Seemade ayaa la sheegay in ay iska kaashadeen in gacanta lagu dhigo, xilli isku dayay in uu baxsado....
Sheekh Shariif oo Afka furtay weerarna ku qaaday dowladda Xasan Sheekh
Madaxweynihii hore ee dalka Xildhibaan Sheekh Shariif Sheekh ayaa goordhow shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuuna kaga hadlay arrimo aad xasaasi u ah iyo xaaladda dalka Sheekh shariif ayaa sheegay in Ciidankii dalka la kala daadiyay , in xafiisyada dowlada aysan ka jirin wax shaqo ah dagaal beeleedyada ka socdo qeybo badan oo dalka...
Puntland oo soo bandhigtay sarkaal ajnebi ah oo katirsan kooxda Daacish
Ciidamada Ammaanka Puntland ee PSF ayaa soo bandhigay sarkaal ajnebi ah oo katirsan kooxda Daacish oo lagu qabtay Buuraleyda Calmis ee Gobolka Bari Sarkaalka la qabtay oo lagu magacaabo Cimraan Maxamed Calawi oo u dhashay dalka Zanzibar, ayaa lagu soo bandhigay warbixin muuqaal ah oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee PSF. War qoraal ah oo...
Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika
Burcad hubeysan oo u dhalatay dalka Koonfur Afrika ayaa galinkii dambe ee Shalay ku dishay deegaanka Philipi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape town wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Soomaalida dalkaas u shaqo tagtay. Ninkaan dhalinayarada ahaa ayaa la sheegay in kooxda burcada ah ay ku weeraraan goobtiisa ganacsi oo ku...
Madaxweynaha Jubbaland oo tallaabo qaaday kadib dagaalkii Jubbada Hoose
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) oo xalay ku hoyday degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa halkaasi ka billaabay kulamo lagu dardar gelinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu booqdo degaanka Harboole, halkaas oo dhawaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland...
Itoobiya oo deg deg ugu jawaabtay Dowladda Soomaaliya
Dowlada Fedaraalka Itoobiya ayaa soo saartay Warsaxafadeed ay isaga fogeyneyso eedeymo ay u jeedisay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ka mid aheyd hubkii dhawaan lagu boobay magaalada Caabudwaaq. Warsaxaafadeed ayaa kasoo baxay Xafiiska Wasaarada arrimaha dibadda dalka Itoobiya oo ku qornaa Af-Soomaali iyo Ingiriis ayaa waxaa lagu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto...
Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo loo diiday in uu tago degmada Maxaas
Wararka naga soo gaaraya degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi xalay ilaa saaka ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeeysa Maamulka degmada iyo Ciidamada degaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. Xiisada ayaa ka dambeeysay kadib markii Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ku wajahan degmada Maxaas ay diideen in uu tago...