Boosaaso ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya Markab Xamuul ah oo laga lee yahay dalka Comoros oo ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ay ku qabteen deegaanka Bareedo ee gobolka Raas Casey nee Puntland. Markabka oo magaciisa lagu sheegay Sea World, ayaa kaso baxay dalka Turkiga, waxaana la sheegay in uu waday hub iyo...
Author: Mohamed Ibrahim (Mohamed Ibrahim)
Ciidanka Danab oo howlgal ku dilay xubno katirsan kooxda AS
Kismaayo ( Raxanreeb Online) Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka, ayaa howlgal qorsheysan saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyay deegaanka Harboole ee gobolka Jubbada Hoose. Bayaan kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday horjoogaal katirsan Al-shabaab. Qoraalka wasaaradda lagu shaaciyay in howlgalka oo si gaar ah loo soo qorsheeyay khasaaro dhimasho...
Kulanka golaha wasiirada oo maanta looga hadlay abaarta ka jirta gobolka Awdal
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Kulanka todobaadlaha ah ee golaha wasiirada oo shir guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho. Kulanka golaha ayaa waxaa looga hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaartu saameysay ee gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Saylac, lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada. Waxaana warbixin ku saabsan...
Turkiga, Lubnaan iyo Ciraaq oo ka hadlay weerarka lagu qaaday Suuriya
Ankara ( Raxanreeb Online) Turkiga ayaa sheegay duqaymaha Israa’iil ee Dimishiq iyo faragelinteeda Koonfurta dalkaasi ay tahay talaabo dhaawacaysa dadaalka Suuriya ee helitaanka nabadda, xasiloonida iyo ammaanka. ‘’Shacabka Suuriya waxa ay hadda haystaan fursad taariikhi ah oo ay ku noolaadaan nabbad una dhexgalaan caalamka’’, ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasaarada arrimaha dibadda ee dalkaasi....
Maxey kawada hadleyn Ra’iisul wasaare Xamsa iyo safiirka dowladda Switzerland ?
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya Mr. Mirko Giulietti, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiirka la wadaagay guulaha ay Xukuumadda DanQaran xaqiijisay iyo sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay gaarto...
Muqdisho oo lagu qabtay munaasabad lagu xusayay sannad guuradii 9-aad ee afgembigii dhicisoobay ee Turkiga
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay sanad guuradii 9-aad ee ka soo wareegtay afgembigii dhicisoobay ee Turkiga...
Shir 34-aad ee hay’adaha sare ee ciidamada Heegaanka Afrikada Bari oo ka furmay Muqdisho
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 34-aad ee Hay’adaha Sare ee Ciidamada Heegaanka Afrikada Bari (EASF), kaas markii ugu horreysay lagu qabanayo magaalada Muqdisho, isla markaana ay sanadkan guddoon u tahay Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga, Cumar Cali Cabdi, ayaa...
Ciidanka RSF oo la sheegey in dalka Sudan ay ku xasuuqeen dad rayid ah
Sudan ( Raxanreeb Online) U dhaq-dhaqaaqayaasha arrimaha bulshada Sudan ayaa Isniintii sheegay in Ciidanka Taageerada Degdega ah ee RSF, ay ku dileen ku dhawaad 300 oo qof weerarro ay ka geysteen Sabtidii gobolka Waqooyiga Kordofan. Ciidamda RSF, ayaa dagaallo kula jira ciidanka milatariga Sudan ee gobolkaas, kaas oo ka mid ah jiidaha hore ee dagaalka...
Ciidanka NISA oo howlgal ku dilay in ka badan 15 xubnood oo katirsanaa AS
Gayacad ( Raxanreeb Online) Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ay ka fuliyeen Isgoyska Gayacad oo u dhow deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan, waxaa lagu dilay ilaa 15 xubnood oo isugu jiray dagaalamayaal iyo horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab, halka shan kalana dhaawacyo halis ah lagu...
Duqa Muqdisho oo maanta qaatay Kaarka codbixinta doorashooyinka Qof iyo Cod
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta qaatay kaarka codbixinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah, asigoona iska diiwaangeliyay Degmada uu dagan yahay ee Kaaraan. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin weyn oo aan waligiis soo marin, isagoo sheegay in uu ka mid noqday shacabka...









