Machadka Royal Al-Bayat ee Fikirka Islaamka ee Jordan ayaa shaaca ka qaaday liiska 500 oo qof oo Musilimiin ah oo saameyn ku leh daafaha caalamka.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Wasaaradda maaliyadda oo soo bandhigtay qorshaha sannadka 2023
Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlayay arrimaha mudnaanta u leh Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Dalka ee sanadkaan 2023.
Maxay tahay tallaabada uu u qaaday Mareykanka ee Shiinaha ka careysiisay
Shiinaha ayaa si xooggan u dhaleeceeyay tallaabada uu Mareykanka uu sare ugu qaaday kaalmada militeri uu siinayo Taiwan.
Madaxweynaha Soomaaliya oo digniin adag u diray ‘ciidamada fududeeya’ qaraxyada
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo digniin u dirayay ciidamada dowladda ayaa sheegay in qarax kasta oo ka dhaca magaalada Muqdisho lasoo marsiiyo baraha koontrool ay ciidamada joogaan isla markaana aysan macquul aheyn in arrintaas mar kasta dhacdo.
Howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billowday Shabeellaha Dhexe
Ciidamada dowladda iyo malleeshiyada Maciisleyda oo iskaashanaya ayaa dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo horleh oo ka dhan ah Al-Shabaab ka billaabay degaanno kuyaalla xadka kala qeybiya Gobollada Shabeellaha Dheex iyo Galgaduud.
Burkino Faso oo dalka ka ceyrisay wakiilka Qaramada Midoobay
Dowladda Milateriga ah ee Burkina Faso ayaa bayaan ay soo saartay Jimcihii ku amartay isuduwaha howlaha gargaarka bini'aadanimada ee Qaramada Midoobay Barbara Manzi inay si deg deg ah dalka uga baxdo, iyadoo aan la sheegin sababta rasmiga ee loo eryay.
Jarmalka oo gacanta ku dhigay shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda oo u basaasayay Ruushka
Mas’uuliyiinta Jarmalka ayaa xiray shaqaale ka tirsan hay’addeeda sirdoonka dibadda ee BND iyaga oo looga shakiyay in uu sirta dowladda u gudbiyay Ruushka. Eedeysanaha, oo magaciisa lagu sheegay Carsten L, ayaa lagu xiray Berlin ka dib markii looga shakiyay kiis suurtagal ah oo khiyaano qaran ah.
FIFA oo warqad u dirtay Guddiga Doorashada Guddoonka Xiriirika Kubadda Cagta Soomaaliya
Xiriirka kubadda cagta adduunka ee FIFA ayaa warqad ay soo saareen kaga dalbaday xiriirka kubadda cagta Soomaaliya in ay qabtaan doorasho loo dhan yahay oo hufan.
Weerar toogasho ah oo ka dhacay bartamaha Paris
Nin hubeysan ayaa rasaas ku furay bartamaha magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dilay labo qof tiro kalena uu ku dhaawacay.
Hindiya oo ka hadashay burcad badeedda Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda India Subrahmanyam Jaishankar oo ka hadlay howlgalka la dagaallanka Burcad Baddeeda Soomaalida ayaa sheegay in Dalkiisa uu daneynayo Marin Amni ah oo dan u ah nabadgalayda isu gudubka Ganacsiga si dhaqaalaha Dalkaas u kordho.
