Hindiya oo ka hadashay burcad badeedda Soomaaliya

Delhi (Raxanreeb) — Wasiirka Arrimaha Dibadda India Subrahmanyam Jaishankar oo ka hadlay howlgalka la dagaallanka Burcad Baddeeda Soomaalida ayaa sheegay in Dalkiisa uu daneynayo Marin Amni ah oo dan u ah nabadgalayda isu gudubka Ganacsiga si dhaqaalaha Dalkaas u kordho.

Wasiir Jaishankar ayaa tilmaamay in hoos u dhac ballaaran uu ku yimid halista & cabsida Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida balse aanay ahayn in la is dhigto si markale ay dib isu soo abaabulaan kooxahaan oo dedaal la geliyay sidii loosoo afjari lahaa.

Subrahmanyam Jaishankar Wasiirka Arrimaha Dibadda India oo Khudbad u jeediyay Baarlamaanka Dalkaas ayaa difaacay qorshaha la dagaalanka Burcad Badeeda isaga oo sheegay in ciidamada fasaxa heysta ee Caalamiga ah ay yareeyeen halista burcadda.

“Hubinta Amniga Badda waa furaha nabadgalyada & dhaqaalaha Dalkeenna soo gala, 90% Dadkeena waxa ay ku tiirsan yihiin safarka Badda, 2008 illaa 2011kii waxaa la qafaashay Hindi badan, 2014 illaa 2022 waxaa sii yaraaday halista burcadda & afduubka lacagaha madax-furashada ku helaan kooxaha macaashka ka raadiya qafaalka Dadka” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda India Subrahmanyam Jaishankar.

Shaqaalaha India ah ayaa inta badan ka shaqeysta Maraakiibta waa tan keentay in dadka la afduubto laga dhex arko Muwaadiniin u dhalatay Dalkaas, Xukuumadda New Delhi ayaa soo afjaridda Burcad Badeeda u aragta halis kasii yaraaneysa.

Baarlamaanka India ayaa dib u eegis ku sameeyay qorshaha la dagaalanka Burcad Badeeda si dhaqaalaha ku baxa looga faaiideysto meelaha kale ee ku habboon in lagu kabo, waa tan keentay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaas uu hortago.

Leave a Reply

Your email address will not be published.