Wasaaradda maaliyadda oo soo bandhigtay qorshaha sannadka 2023

Muqdisho (Raxanreeb) — Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlayay arrimaha mudnaanta u leh Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Dalka ee sanadkaan 2023.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha ahmiyadda u leh dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka Maaliyadda iyo kicinta dakhliga gudaha dalka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu lagu soo bandhigay sida ay muhiim u tahay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sare u qaado ka qeybgalka dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda si ay aragto ugu dhiibtaan inta aan la meelmarin.

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo kukanka hadal ka jeediyay ayaa sharaxay qorsheyaasha Wasaaradda Maaliyadda u yaalla sanadkaan 2023 ay doonayaan in xoogga la saaro horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda.

“Waxa aan maanta ka qayb galay kulan gaar ah oo Wasaaradda Maaliyadda ay u qabatay qaar ka mid ah dadweynaha, kulan kaas oo lagu soo bandhigayay qorshayaasha muhiimadda u leh Wasaaradda Maaliyadda Sanadka 2023.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiye ku xigeenka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Ciise Guure, Agaasimaha Guud ee Guddiga Dhaqaalaha Qaranka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Aqoonyahay dhanka dhaqaalaha ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.