Madaxweynaha Soomaaliya oo digniin adag u diray ‘ciidamada fududeeya’ qaraxyada

Madaxweynaha Soomaaliya oo digniin adag u diray ‘ciidamada fududeeya’ qaraxyada

Muqdisho (Raxanreeb) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo digniin u dirayay ciidamada dowladda ayaa sheegay in qarax kasta oo ka dhaca magaalada Muqdisho lasoo marsiiyo baraha koontrool ay ciidamada joogaan isla markaana aysan macquul aheyn in arrintaas mar kasta dhacdo.

Wuxuu ku tilmaamay askarta fududeysa qaraxyada ay yihiin ‘kuwa dadka laayay’.

“Baabuur kasta oo siday qarax kasta oo Muqdisho ka dhacay iyo waxa wax lagu qarxiyay bal kontarool buu soo maray , meel askari joogo buu soo maray, ama boolis ha ahaado ama nabad sugid ha ahaado ama militeri ha ahaado-meel askari taagan yahay buu soo maray..askariga qaraxda dadka kusoo daaynayo ogow dadka adaa dishay ”.

Wuxuu intaa ku daray inay haatan ay socoto baaritaan lagu hayo saraakiil ka tirsan ciidamada oo ay la kaashanayaan hay’ado ajanabi ah kuwaasoo loo heystay inay baabuur siday qaraxyada ay ksoo daayeen baro kontarool.

“Waa lagu daba joogaa maalin maalmaha kamid ahna waa lasoo qabanayaa”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.