Amnesty International: Lix bilood kaddib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xilka la wareegay, weli dowladdiisu kama dhabeyn ballan qaadyadii ahaa in caddaalad iyo amni uu u horseedayo shacabka Soomaaliyeed.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Abaabulka howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka billowday Bakool
Waxaa degaanka Aato ee Gobolka Bakool ka bilaawday kulamo looga tashanayo howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, kaas oo ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada dowladda, kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed & kuwa dowlad degaanka Soomaalida ee liyuu Boolis.
Madaxda caalamka oo canbaareeyay qaraxii Istanbul
Waxaa isa soo taraya khasaaraha ka dhashay qarax galabnimadii shalay ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, halkaas oo ay ku dhinteen dad fara badan.
Isku day khaarijin uu ka badbaaday taliya CID-da G/Mudug
Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas xalay saq-dhexe ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taas oo lagu furay guri uu magaaladaasi ka degan yahayn taliyaha CID gobolka Mudug Mahad Cabdi Jaamac
Dil ka dhacay Muqdisho & faah faahino kasoo baxaya
Kooxo hubeysan ayaa saaka Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa ay kudileen Nin Odaya ahaa oo lagu magacaabi jiray Macalin Cabdullaahi Cabdiraxmaan, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.
Sawirro: Ra’isulwasaare Xamsa oo xarigga kajaray xarun dowladeed oo cusub
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed.
Xisbiga Dimuqraadiga oo difaacday aqlabiyadda Aqalka Sare ee Senate-ka
Xisbiga Madaxweynaha Mareykanka ee Dimuqraadiga ayaa sii haysan doona maamulka Aqalka Sare ee Senate-ka, kadib doorshada xilliga dhexe oo ay ka soo baxday natiijo meesha ka saartay saadaashii aheyd in xisbiga Jamhuurigu uu la wareegi doono labada aqal ee kongareeska.
Qarax ka dhacay Istanbul oo ay ku dhaawacmeen inkabadan 11 qof
Qarax ka dhacay waddada caanka ah ee Istiklal Avenue ee magaalada Istanbul ayaa sababay dhaawaca 11 qof, sida ay ku warrantay warbaahinta Turkiga.
Maamulka Shabeellaha Dhexe oo war kasoo saaray malleeshiyaad ku dagaallamay Cadalle
Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya degaannada hoostaga degmada Cadalle inay dagaalka si deg deg ah u joojiyaan, isla markaana wax walba miiska wada-hadalka ku dhameeyaan.
Malleeshiyo beeleed ku dagaallamay Shabeellaha Dhexe
Dagaallo u dhaxeeya laba malleeshiyo Beeleed ayaa markale dib uga billowday degaano hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe halka uu kadhashay khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawacba.

