Isku day khaarijin uu ka badbaaday taliya CID-da G/Mudug

Garowe (Raxanreeb) — Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya rasaas xalay saq-dhexe ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, taas oo lagu furay guri uu magaaladaasi ka degan yahayn taliyaha CID gobolka Mudug Mahad Cabdi Jaamac.

Wararka ayaa sheegaya in falkan ay ka dambeysay koox cabtoy ah oo weerar ku qaaday guriga taliyaha, kadibna goobta isaga baxsatay.

Ugu yaraan hal askari oo ka mid ah ilaalada taliyaha ayaa falkan ku dhaawacmay, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee magaalada Garoowe.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha intaasi ku dareen in haatan ay wadaan baaris dheeraad ah, islamarkaana ay ku daba jiraan kooxihii ka dambeeyay falkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in la doonayey in falkan lagu khaarijiyo taliyaha CID ee gobolka Mudug, balse uu ka badbaaday isku daygaasi dilka ah.

Garoowe oo ah xarunta Nugaal iyo caasimadda Puntland ayaa kamid ah magaalooyinka ugu xasiloon dhanka amniga, walow mararka qaar ay shaqaaqooyin ka dhacaan.

Si kastaba, deegaannada maamulka Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo u dhexeeya ciidamada ammaanka iyo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha, ayada horey taliyihii saldhigga Booliska magaalada Qardho loogu dilay dagaal ciidamada ammaanka maamulkaas ay la galeen koox cabtoy ah oo sidoo kale ka ganacsada Qamriga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.