Qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta mooshin cusub geeyay baarlamaanka, kaas oo ku aadan dhibaatada ka taagan Xasbiga Dhexe ee Xamar.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Beesha Caalamka oo ka walaacsan dagaallada ka qarxay gobolka Amxaarada
Mareykanka iyo UK ayaa ku biiray sadex waddan oo kala ah Japan, Australia iyo New Zealand, kuwaas oo walaac ka nuujiyay xaaladda amni ee sii xumaaneysa ee dalka Itoobiya.
Ciidamada DF oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano hoostaga Shabeellaha Dhexe
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa saakay markale dib u qabsaday Degmada Ruun-Nirgood ee dhacda Waqooyi-Bari Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xamsa “Haddaan rabno in aan horay usocono waa in la amaanaa wixii fiican ee qabsoomay.”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gunaanadayey hawlaha xajka ee sannadkii tagay, taas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha hirgalay iyo caqabadihii soo food-saaray xujeyda Soomaaliyeed.
Haweeney seygeeda ku gubtay magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya
Dhacdo murugo leh isla markaana hadal hayn ka dhalisay baraha bulshada, aya ka dhacday magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, taas oo ah in haweeney ay ninkeeda u geysatay dhaawac, kaddib markii qeybo kamid ah jirkiisa ay ku shubtay saliid ay aad u soo karkarisay.
Talyaaniga oo sheefay dooni siday tahriibayaal inay ku quustay Jasiiradda Lampedusa
Dowladda Talyaaniga ayaa xaqiijisay geerida ugu yaraan 41 ruux oo ah Tahriibayaal la socday doon kasoo tegtay Xeebaha Dalka Tunuusiya ee Waqooyiga Qaaradda Afrika si dadkaan la socday ay u gaca-dhigtaan Jasiiradda Lampedusa.
Boortaqiiska oo la tacaalaya dab ka kacay kayn iyo heerkulka oo cirka isku shareeray
Ciidamada dab-damiska Boortaqiiska ayaa la tacaalaya sidii ay u xakamayn lahaayeen dab ka holcaya kumanaan hektar xilli heerkulku cirka iskusii shareerayo.
Haweeneydii musqusha gashay ee la kulantay arrin cajiib ah
Haweeney u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa sanado kahor qabsatay hadal heynta warbaahinta iyo baraha bulshada, kadib markii ay dhashay cunug aysan uurkiisa xitaa ka war qabin.
Nin xaaskiisa u diiday inay 12 sano guriga ka baxdo oo la xiray
Nin u dhashay dalka Jarmalka ayaa la xiray kaddib markii la sheegay in xaaskiisa uu muddo 12 sano ah guriga ku xabisay.
DF oo sheegtay in ay duqeeyn ku dileen xubno Al-Shabaab katirsan
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar ay iska kaashadeen saaxiibadeed caalamiga ah kana dhacay Gobolka Hiiraan gaar ahaan Deegaanka Mukayle lagu beegsaday goob ‘Qaraxyo’ ay ku diyaarinayeen ‘AS’ waa sida hadalka loo dhigay.






