Muqdisho (Raxanreeb) -— Ciidamada Xoogga Dalka ayaa saakay aroornimadii markale dib u qabsaday Degmada Ruun-Nirgood ee dhacda Waqooyi-Bari Gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hir-Shabeelle sida Raxanreeb ay u xaqiijiyeen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Ciidanka Xoogga waxa ay gacanta ku dhigeen Deegaanka Hilowle Gaab oo saacadihii u dambeeyay ay dhinacyo badan ka joogeen askarta Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaankaas oo ugu dambeyn gudaha u galay.
Saraakiil katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa Mustaqbal u sheegay in ciidamadu ay ku howlan yihiin howlgallo miino-baaris & amni sugid ah oo ay ka wadaan Degmada Ruun-nirgood iyo Deegaanka Hilowle Gaas Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ciidamada Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iyo Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa maalmihii u dambeeyay qorsheynayay sidii ay gacanta dib ugu dhigi lahaayeen Degmada Ruun-nirgood oo mar ay qabsadeen balse dib uga baxay.
Dhaq-dhaqaaq ciidan oo xooggan ayaa ka socda Gobollada Shabeelaha Dhexe, Hiiraan & Galgaduud oo ka kala tirsan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug, ciidamada gaarka u tababaran ayaa beegsanaya deegaannada ay weli joogaan ‘AS’ sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa.