Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in weerar ay iska kaashadeen saaxiibadeed caalamiga ah kana dhacay Gobolka Hiiraan gaar ahaan Deegaanka Mukayle lagu beegsaday goob ‘Qaraxyo’ ay ku diyaarinayeen ‘AS’ waa sida hadalka loo dhigay.
Dowladdu waxa ay intaas ku dartay in xog iyo xuuraansi ay ka heysay goobtaas kahor inta aan weerarkaan duqeynta ah lagu beegsaday, warka ayaa intaas lagu daray in si gaar ah loo bartilmaameedsaday Garaash Gawaarida qaraxyada ay dhiganayeen ‘AS’.
Warka Dowladda Federaalka ay kasoo saartay weerarka ka dhacay Gobolka Hiiraan ayaa ku shaacisay in 4 gaari oo goobta yaallay oo lagu diyaarinayay ‘Walxaha Qarxa’ in lagu burburiyay halka khasaaraha kale ay dib kasoo sheegi doonto waa sida lagu yiri hadalka DFS.
“Hawlgal Qorshaysan ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamiga ah saaka ka fuliyeen xarun Khawaarijtu ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan. Hawlgalku waxaa uu beegsaday Garaash wayn oo Khawaarijta u ahaa goob ay ku diyaariyaan Qaraxyada” Sidaasi waxaa lagu yiri warka Dowladda ay kasoo saartay weerarka ka dhacay Gobolka Hiiraan.
“Ciidanka Qaranka ayaa halkaas ku burburiyey afar Gaari oo Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay ugu waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed. Goobtaas waxaa ku halaagsamay Maleeshiyaad fara badan oo ah kuwa sida gaarka ah ugu tababaran sameynta Qaraxyada. Geesiyaasha Qaranku waxa ay ku jiraan qiimaynta qasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray Khawaarijta” ayaa lasii raaciyay warka Dowladda Federaalka ku faahfaahisay howlgalka.
Gobolka Hiiraan waxaa ka socda howlgallo iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan Ciidamada Federaalka ee sida gaarka u tababaran sida Kumaandooska DANAB & GORGOR oo garab ka helaya Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda.