Xamsa “Haddaan rabno in aan horay usocono waa in la amaanaa wixii fiican ee qabsoomay.”

Xamsa “Haddaan rabno in aan horay usocono waa in la amaanaa wixii fiican ee qabsoomay.”

Muqdisho (Raxanreeb) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay munaasabad lagu soo gunaanadayey hawlaha xajka ee sannadkii tagay, taas oo lagu qiimeynayey qorsheyaasha hirgalay iyo caqabadihii soo food-saaray xujeyda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in sannadkan wax badan laga qabtay hagaajinta hawlaha xajka ee dadka Soomaaliyeed, dowladduna ay dadaal badan ku bixisay sidii ay uga hortagi lahayd dhibaatooyin badan oo soo food saari jiray xujeyda Soomaaliyeed inta aysan ka dhoofin dalka iyo markii ay gaaraan dhulka barakaysan ee Xaramka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in hoos loo dhigay kharashaadkii ku bixi jiray Xaajiga Soomaaliyeed sanadkan in ka badan $700, walina ay Xukuumaddu ku sii dadaaleyso sidii loo sii yarayn lahaa qiimaha, halka guddi loo saaray korjoogteynta adeegyada, Tayada iyo xaaladda nololeed ee Xujeyda Soomaaliyeed ee soo gudanaysa acmaasha barakaysan ee Xajka.

“Waxa aan go’aaminnay in Wasaaradda loo madax baneeyo hawsha xajka, waxa aan ka mamnuucnay in Wasaaradda ay cadaadis saaraan Siyaasiyiin iyo Ganacsato. Wasiirka cadaadis manala kulmin balse waxa uu naga helay taageero,” sida uu yiri Wasiirka koowaad ee Xukuumadda.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa isbadal ku sameesay qiimaha lagu tagi jiray Xajka, iyada oo May 2, 2023-ka Guddigga Tartansiinta shirkadaha Adeega Xajka oo Warsaxaafadeed ay soo saareen ku jaan gooyeen qarashaadka sanadkaan lagu tagayey Xajka, iyada oo sheegay in ay dhimeen Qiimihii horay lagu xaajin jiray.

Guddigga Tartansiinta shirkada Adeeg Xajka ee Sanadka 1444/2023 ka ayaa qarashaadka laga qaadaya xujeyda Soomaaliyeed ka dhigay qiimo dhan $4,484.539  oo dollar, sida lagu yiri Warsaxaafadeedka ka soo baxay Guddiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku soo xiray tartanka Qur’aanka Kariimka 19 April, 2023-ka ayaa mar uu khudbad ka jeediyay sheegay in Sanadkaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta la hor dhigay laba imtaxaan oo mid ka mid ah yahay maareynta sara u kaca qiimaha xajeyda Soomaaliyeed ay ku soo xajiyaan.