Muqdisho (Raxanreeb) — Bahda saxaafadda Soomaaliyeed iyo ururrada saxafiyiinta* ayaa ka walaacsan awaamiirta cusub ee ay soo saartay dowladda federaalka Soomaaliya ee ku saleysan xayiraadda iyo joojinta waxa ay ugu yeertay dowladdu “fidinta fikradaha xagjirnimada iyo argagixisada”.
Sabtidii 8da Oktoobar, Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar ay ku mamnuucday faafinta farriimaha “afkaarta xagjirnimada ah ee laga sii daayo warbaahinta soo jireenka ah iyo baraha bulshada”. Sidoo kale, Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa ku amartay shirkadaha bixiya adeegyada Internet-ka in ay joojiyaan in ka badan 40-mareeg oo online-ka ah, iyadoo aan la cadeynin cidda ay yihiin.
Iyadoo aan ogsoonahay in dagaalka socda ee u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka iyo Al-Shabaab laga yaabo inuu dhaliyay walaac joogto ah oo la xiriira isticmaalka baraha bulshada ee loo isticmaali karo dacaayadda, waxaan ka walaacsanahay talaabooyinka cusub ee ku jira wareegtadii dowladda, oo aan lagala tashan daneeyayaasha iyo saamileyda, waxaa laga yaabaa inay si aan macquul ahayn u xaddidaan xorriyadda saxaafadda ee sharciga ah ee dalka.
Ugu horreyn, wareegtada dowladda oo ay ku jireen ereyo aan qeexneyn waxa laga yaabaa in loo adeegsado in lagu xaddido awoodda saxafiyiinta ay u leeyihiin inay si xor ah u soo tebiyaan hawlgallada socda ee ka dhanka ah kooxda hubaysan ee al-Shabaab. Waxa kale oo laga yaabaa inay dadweynaha ka xaddiddo helitaanka macluumaadka la xiriira hawlgallada amniga ee socda. Tusaale ahaan, kaddib amarkii Sabtidii ee Wasaaradda Warfaafinta ayaa horseeday in hay’ado warbaahineed qaarkood lagu qasbay inay ka saaraan warbaahintooda falcelinta al-Shabaab ee ku aaddan amarka dowladda ee baraha bulshada. Dhowr wariye oo kale ayaa noo sheegay in aysan awoodin in ay xogta ay hayaan ay bulshada la wadaagaan cabsi ay ka qabaan dowladda darteed.
Marka xigta, ammarka xayiraadda ee jumlada ah ee lagu soo rogay xarumaha warbaahinta iyo baraha bulshada ee faafinta wararka la xiriira al-Shabaab waa mid welwel leh oona ku saleysan hor istaag xorriyadda aragti is-dhaafsiga saliimka ah. Tusaale ahaan, amarka dowladda ayaa ku jiray in la xirayo aaladda Telegram, oo ah madal farrimo ammaan ah oo ay Soomaali badan u adeegsan jireen wadaagista macluumaadka. Xiritaanka guud ee Telegram-ka dalka kuma koobna oo kaliya in ay saameyso dadweyne badan oo Soomaali ah balse waxa ay su’aal gelinaysaa ujeedada dhabta ah ee ay Wasaaradda Warfaafintu ka leedahay xannibaaddan.
Marka seddexaad, waxaan ka walaacsanahay in amarka cusub loo adeegsado in lagu aamusiyo dhaliisha sharciga ah ee dowladda iyo ciidamadeeda amniga loo jeedinayo oo ay ku jiraan dhaliilaha ay soo tebiyaan saxafiyiinta, difaacayaasha xuquuqul insaanka, cilmi-baarayaasha madaxa-bannaan, falanqeeyayaasha iyo dad kale.
Ugu dambeyn, waxaan aad uga walaacsanahay in amarka cusub uu durba abuuray walaac amni iyadoo qaar ka mid ah saxafiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta ka howlgala ay hadda ka welwelayaan amnigooda, kaddib markii al-Shabaab ay iyaguna soo saareen Axaddii hanjabaad kale oo ka dhan ah suxufiyiinta iyo hay’adaha kale ee fuliya amarka dowladda.
Qodobka 18-aad ee Dastuurka KMG ah ee Federaalka Soomaaliya ayaa dammaanad qaadaya xaqa Xorriyatul-qawlka iyo Ra’yiga halka qodobka 32-aad uu qeexayo Xuquuqda Xog-helidda. Dhanka kale, Qodobka 38-aad ee Dastuurku waxa uu reebayaa in la xaddido xuquuqaha aas-aasiga ah oo ay ku jirto xaqa xorriyadda hadalka, haddii aan si caqli-gal ah, xalaal ah, loo qaateen ah iyo cadaalad aan loo marin go’aannada xayiraadda xorriyadaha.
Sida uu dhigayo sharciga caalamiga ah, xaqa xorriyadda hadalka waxa lagu soo rogi karaa xaddidaadyo gaar ah, laakiin waa haddii la helo shuruudo dhowr ah oo adag oo saddex qaybood ah:
- Waa inay sharci ku fadhido. Sharcigaas waa inuu yahay mid markii horeba loo dejiyay hannnaan caddaalad ah oo u oggolaanaya in dadku ugu dhaqmaan si macquul ah oo ay kari karaan.
- Xayiraaddu sharcigu oggol yahay waa inay tahay mid marka horeba isu dheeli-tiran, ahna lagama maarmaan.
- Haddii ujeeddadu tahay ilaalinta danaha guud ee cayiman (amniga qaranka, nidaamka guud, ama caafimaadka guud ama anshaxa) ama xuquuqda ama sumcadda dadka kale, waa in ay jiraan habraacyo ka ilaalinaya xad-gudubka xayiraadaha, oo ay ku jiraan in la helo habraac looga dacwoon karo oo hay’ad madax-bannaani ay fulineyso oo leh nooc ka mid ah dib u eegis garsoor.
Xayiraad kasta oo aan soo marin qodobadan waxay jebinayaan xoriryatul qawlka xitaa haddii aysan jirin wax ciqaab ah oo ka dhalaneysa. Waxayna ku xad-gudbeysaa oo keliya xuquuqda xorriyadda hadalka ee dadka xayiraadda lagu soo rogay. Waxayna tacaddi ku noqoneysaa xuquuqda dadweynaha ay u leeyihiin inay helaan macluumaadka iyo fikradaha.
Mabaadi’da Johannesburg ee Amniga Qaranka, Xorriyatul qawlka iyo Helitaanka Macluumaadka ee ay ansixiyeen koox khubaro ah oo ku takhasusay sharciga caalamiga ah, amniga qaranka, iyo xuquuqul insaanka 1 Oktoobar 1995, ayaa caddeeyay in mabaadi’da loogu talagalay in lagu xalliyo iska horimaadka u dhexeeya xuquuqda aragtida xorriyadda iyo amniga qaranka. Waxa uu dhigayaa in “dowladuhu inay adeegsadaan habka ugu xaddidan ee ugu yar ee suurtagalka ah si ay u mamnuucaan hadalka ka horimaanaya danaha amniga qaranka ee sharciga ah; xaddidaadda la doonayo in lagu sababeeyo amniga qaranka ma ahan mid sharci ah haddii ujeeddadeeda dhabta ah ama saameynta muuqata ay tahay ilaalinta danaha aan la xiriirin amniga qaranka, oo ay ku jiraan, tusaale ahaan, in laga ilaaliyo dowladda ceebeyn iyo soo bandhigid khalad, ama in la qariyo gabood-fal ay dowladdu ku kacday ama la aamusiyo wararka ku saabsan macluumaadka ku saabsan siday u shaqeeyaan hay’addeeda dawliga ah, ama in la geliyo fikrad gaar ah.
Waxaan ugu baaqaynaa Wasaaradda Warfaafinta ee Dowladda Federaalka in ay dib u eegis ku sameyso awaamiirta ay soo saartay, isla markaana ay xaqiijiso in aan la xaddidin xuquuqda saxafiyiinta iyo xorriyadda saxaafadda ee sharcigu oggol yahay.
Waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda inay xaqiijiso in la ixtiraamo, la ilaaliyo, lana horumariyo xorriyadda hadalka, xorriyadda saxaafadda iyo xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Dawladdu waa in aanay dambi ka dhigin tabinta saxaafadda madaxa-bannaan iyo shaqada suxufiyiinta. Taas beddelkeeda, waxaan ku dhiirigelinaynaa dowladda inay dib u eegto oo ay wax ka beddesho Sharciga Saxaafadda Soomaaliyeed ee 2020 oo ay ku jiraan qodobbo denbi ka dhigaya oo xaddidaya shaqada suxufiyiinta, waana in loo ogolaadaa ururrada warbaahinta iyo daneeyayaasha saxaafadeed inay ka qayb qaataan hannaanka dib u eegista sharciga saxaafadda ee muranka badani ku jiro.
*Waxaa saxiixay:
1. Guddiga Badbaadada Saxafiyiinta Soomaaliya (SMSJ)
2. Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS)
3. Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (FESOJ)
4. Dalladda Warbaahinta Soomaaliyeed (SOMA)
5. Dallada Xarumaha Warbaahinta Madaxa-Banaan ee Soomaaliyeed (SIMHA)
Leave a Reply