Faahfaahinta & khasaaraha ka dhashay hoobiyaal lagu garaacay ATMIS.

Balcad (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraayo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxa ay sheegayan in tiro Madaafiic ah lagu weeraray saldhig ciidamada Burundi ee ee ATMIS.

Saldhiga Madaafiicda lagu weeraray oo kuyaala Xaafadda Xaawa Taako gaar ahaan Aaga Warshadihii hore ee dharka Balcad ayaa la sheegay in lagu soo tuuray in ka badan 5 Madfac, kuwaas oo ku dhacay Gudaha Xerada iyo Agagaarkeeda.

Ciidanka burundi ayaa dhankooda waxaa la sheegay in ay madaafiic ku jawaabeen lamana oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdaas la is weydaarsaday.

Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaan weli ka hadlin weerarka Madaaafiicda ah ee lagu qaaday Saldhiga Ciidamada ATMIS.

Degmada Balcad iyo degaano hoostaga òo Basro ay kamid tahay waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, wallow Ciidamadii dowladda ee la wareegay degaannada u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ay dib uga soo baxeen.

Degmada Balcad iyo degaano hoostaga òo Basro ay kamid tahay waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.